Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare oo tacsi u diray ehelada Dadkii ay Argagaxisadu ku laayeen Kismaayo.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr; Maxamed Cabdi Waare, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen Dadkii Rayidka ahaa ee ku shahiiday weerarkii Argagixiso ee Xalay lagu qaadey Hotel Cas-casey ee Magaalada Kismaayo.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magaca golayaasha Hirshabelle, Shacabka Hirshabelle iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen dadkii argagixisada ku gumaadeen Magaalada kismaayo.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Waare, ayaa sheegay in muhiim ay tahay shacab iyo ciidanba ay u istaagaan ka hortaga kooxaha cadowga ah  ee isku biirsaday leynta iyo dabargoynta Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda dhexe, iyo Dowlad Goboleedyada ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda’’ ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Magaalada Kismaayo ayuu xusay Madaxweynuhu in ay ka mid eheyd magaalooyinka ugu nabdoon waxaana maamulka Jubbaland iyo shacbigiisa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida deegaannadooda xili la filayo dhowaan in doorashada Jubbaland ay dhacdo.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay Ciidanka Maamulka Jubaland sida deg-degga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixiso ee xalay dadkaasi lagu laayay, islamarkaana ay u soo afjareen.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr;Maxamed Cabdi Waare, oo sii hadlay ayaa Ilaahay uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay qasaarihii ka dhashay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Kismaayo

Next Post

Duqa Muqdisho oo muwaaddin Soomaaliyeed u soo celiyay Guri laga haystay muddo dheer+ Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo muwaaddin Soomaaliyeed u soo celiyay Guri laga haystay muddo dheer+ Sawirro

Duqa Muqdisho oo muwaaddin Soomaaliyeed u soo celiyay Guri laga haystay muddo dheer+ Sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In