Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare“Dagaal Beeleedyada Hiiraan Iyo Galgaduud Ka Soo Cusboonaaday Waxay Taageero U Yihiin argagaxisada.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare“Dagaal Beeleedyada Hiiraan Iyo Galgaduud Ka Soo Cusboonaaday Waxay Taageero U Yihiin argagaxisada.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Deegaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda argagaxisada Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna  uu u rajeeyay caafimaad qab.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka.

“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.

“Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joogaan sidii loo joojin lahaa Colaadahaasi.

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
SHARE
Previous Post

Xuduudda Mareykanka iyo Mexico oo caruur ku geeriyootay

Next Post

Boliiska Kenya oo helay xogta Silvia Romano, oo dhawaan ay Afduubteen Kooxo Hubeysan

Next Post
Boliiska Kenya oo helay xogta Silvia Romano, oo dhawaan ay Afduubteen Kooxo Hubeysan

Boliiska Kenya oo helay xogta Silvia Romano, oo dhawaan ay Afduubteen Kooxo Hubeysan

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In