Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan sugidda amniga dalka’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan sugidda amniga dalka’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 25 November, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska, kadibna khudbad ka jeediyay munaasabadda.
Waxaa uu si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025

“Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Xeeladaha iyo aqoonta aadka u sarreeya ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

‘’Waxqabadka aan maanta halkan ku soo bandhigteen waxaa uu ka marag kacaya baahida loo qabo in bulshadu ay ka warhayso waxa ay dowladdu qabaneyso. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan hay’adaha dowladda iyagoo adeegsanaya qalabka warbaahinta inay waxqabadkooda bulshada u soo bandhigaan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadaneysaa fahamka dowladnimada iyo inaan ka mira dhalino hawlaha qaran ee aynu hayno’’.

Waxaa kale oo uu fariin u diray warbaahinta dalka.

‘’ Warbaahinta iyaguna waxan kula dardaarmayaa inay qeyb ka qaataan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, ayna ka tusaale qaataan dalalka horay dhibaatooyin nala mid ah uu horey ugu dhacay iyo sida warbaahintooda ay gacan uga geysatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidammada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan u adeegidda iyo difaaca qarannimada iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka xusuusiyey dhibaatooyinka laga dhaxley caadooyinka iyo dhaqamada aan la jaanqaadi karin nolosha casriga iyo aadminimada.

“Ciidanka Miina Baarka Booliska waxay halkan ku soo bandhigeen xirfadahooda la xiriira sida looga faa’ideysan karo eeyaha dhinaca miina baarista iyo la dagaalanka dembiyada loo adeegsado. Waan ognahay dhaqan iyo caado ahaan waxa aan eeyaha ka aaminsanahay, laakiin waa inaan mar walba ku cabbirnaa waxtarka uu inoo leeyahay dhanka sugidda amniga. Waa in dadkeena ay ka gudbaan caadooyinka xun sida in wax laga sheego dadka xirfadaha gacmeed ee kala duwan ku shaqeysta, xirfadahaas oo kaalin weyn ka qaata horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda kaga dhawaaqey hadal ay si weyn ugu farxeen Ciidammada Miino Baarista Booliska Soomaaliyeed iyo xubnaha la shaqeeya ee Ciidammada Dembi Baarista Booliska (CID) oo ahaa in min hal darajo la dalacsiiyay. Xubnaha Ciidammada Miino Baarka ee sida gaarka ugu qaabilsan eeyaha , ayaa iyagu waxaa la siiyey dalacaad min laba darajo ah.

Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga dalka iyo horumarka ay ku tallaabsanayaan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna warbixintiisa ku xusey in dhowaan booliska iyo maamulka gobolka Banaadir ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab damiska, isagoo dhanka kalena sheegay in dhowaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay, kaas oo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Gaashaandhigga, Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidammada Nabadsugidda iyo mas’uuliyiin ka socdey gudaha iyo dibedda, ayaa waxaa lagu soo bandhigey qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee ciidammada booliska ee miina baarista qaabilsan u hayaan dalka.

Ciidammada Miina Baarka Booliska ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2011-ka.

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Madaxwaynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In