Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan sugidda amniga dalka’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan sugidda amniga dalka’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 25 November, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska, kadibna khudbad ka jeediyay munaasabadda.
Waxaa uu si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Xeeladaha iyo aqoonta aadka u sarreeya ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

‘’Waxqabadka aan maanta halkan ku soo bandhigteen waxaa uu ka marag kacaya baahida loo qabo in bulshadu ay ka warhayso waxa ay dowladdu qabaneyso. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan hay’adaha dowladda iyagoo adeegsanaya qalabka warbaahinta inay waxqabadkooda bulshada u soo bandhigaan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadaneysaa fahamka dowladnimada iyo inaan ka mira dhalino hawlaha qaran ee aynu hayno’’.

Waxaa kale oo uu fariin u diray warbaahinta dalka.

‘’ Warbaahinta iyaguna waxan kula dardaarmayaa inay qeyb ka qaataan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, ayna ka tusaale qaataan dalalka horay dhibaatooyin nala mid ah uu horey ugu dhacay iyo sida warbaahintooda ay gacan uga geysatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidammada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan u adeegidda iyo difaaca qarannimada iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka xusuusiyey dhibaatooyinka laga dhaxley caadooyinka iyo dhaqamada aan la jaanqaadi karin nolosha casriga iyo aadminimada.

“Ciidanka Miina Baarka Booliska waxay halkan ku soo bandhigeen xirfadahooda la xiriira sida looga faa’ideysan karo eeyaha dhinaca miina baarista iyo la dagaalanka dembiyada loo adeegsado. Waan ognahay dhaqan iyo caado ahaan waxa aan eeyaha ka aaminsanahay, laakiin waa inaan mar walba ku cabbirnaa waxtarka uu inoo leeyahay dhanka sugidda amniga. Waa in dadkeena ay ka gudbaan caadooyinka xun sida in wax laga sheego dadka xirfadaha gacmeed ee kala duwan ku shaqeysta, xirfadahaas oo kaalin weyn ka qaata horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda kaga dhawaaqey hadal ay si weyn ugu farxeen Ciidammada Miino Baarista Booliska Soomaaliyeed iyo xubnaha la shaqeeya ee Ciidammada Dembi Baarista Booliska (CID) oo ahaa in min hal darajo la dalacsiiyay. Xubnaha Ciidammada Miino Baarka ee sida gaarka ugu qaabilsan eeyaha , ayaa iyagu waxaa la siiyey dalacaad min laba darajo ah.

Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga dalka iyo horumarka ay ku tallaabsanayaan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna warbixintiisa ku xusey in dhowaan booliska iyo maamulka gobolka Banaadir ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab damiska, isagoo dhanka kalena sheegay in dhowaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay, kaas oo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Gaashaandhigga, Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidammada Nabadsugidda iyo mas’uuliyiin ka socdey gudaha iyo dibedda, ayaa waxaa lagu soo bandhigey qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee ciidammada booliska ee miina baarista qaabilsan u hayaan dalka.

Ciidammada Miina Baarka Booliska ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2011-ka.

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Madaxwaynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In