Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay Kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay Kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhagax dhiga kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada hadana laga dhigayo kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada kuna taala degmada Waabari ee Gobalka banaadir waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha  dalka, Mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda , guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya, maamulka gobalka banaadir, aqoonyahanno, arday iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigenka gobalka ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in ay dhiiri gelinayaan waxkasta oo lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in xaruntaan ay tahay tan ugu muhiimsan xarumaha Jaamacadda, maadaana uu ka baxay Madaxweynaha dalka kana noqday barre sare.

“Runtii waxa ay ilatahay in maanta maalin weyn ay tahay maxaa yeelay waxaan joognaa meeshii uu wax ku bartay barre sarena uu ka noqday Madaxweynaha dalka soo dhawoow Madaxweyne howshaad na fartay ayaa heynaa”ayuu yiri Prof Maxamed Axmed Jimcaale.

Xildhibaand Sahra Macalin ayaa balan qaaday in Xildhinaabad ay ka qeybqaadan doonaan dhismaha xaruntaan.

“Waxaan balan qaadeynaa inaan qaadano xubintii Xildhibaannada waana midaan ku faano Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed” ayay tiri Xildhibaan Sahra.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng Saalax Sheekh Cusman ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan madaxda Jaamacadda kuna dhiiri galiyay howshaan.

Wasiirka Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalka khadar Bashiir Cali ayaa ka dhawaajisay in dhismaha xarunta cusub ee jaamacadda gaar ahaan kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada ay ka qeybqaadan doonaan ardayda dugsiyada sare ee dalka.

“Dhismaha Xaruntaan ka Wasarad ahaan waxaan balanqaadayaan ineey dhismaha ka qeybqaadan doonaan ardayda dugsiyada sare ee dalka galinka danmbe ee maalintii ugu yaraan saddex maalin isbuucii anaga qeyb ayaa ka nahay”ayay tiri Wasiir Khadar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qiira leh uga hadlay arrinta ku saabsan dib u dhiska kuliyadii  hore ee Macalimiinta Farsamada, maadaama ay tahay kuliyadii uu ka baxay barre sarena uu ka noqday, amaan iyo bogadin uu u jeediyay madaxda sare ee jaamacadda ka dibna wuxuu shegay in barlamaanka iyo golaha Wasiiradu ay tahay in ay qeyb ka qaataan dib u dhiska xaruntaan.

“Aniga si gaar ah ayey ii taabaneysaa Jaamacadda Ummadda iyo intii ka baxday Jamacad dhismadeedu waa muhiim, maxaa yeelay waa goobta ay ku soo saaran karto xoog, dhinacalae waxaa la doonayaa iney ka qeyb qaatan dhismahaan labada gole ee dowlada iyo shacabka guud ahaan”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

938552_1163278253712557_236421881_o 12675015_1163279397045776_1261250271_o 12822595_1163278007045915_2112056940_o 12823135_1163280933712289_871279588_o 12837256_1163278407045875_682821150_o 12837540_1163278490379200_713400162_o 12837628_1163278313712551_1573417411_o

Previous Post

Howlgallo lagu soo qabqabtay ku dhawaad 10 ruux oo laga sameeyay Baydhabo

Next Post

Madaxweynaha: “Xoojinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda waa furaha horumarka Soomaaliya’’ “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha: “Xoojinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda waa furaha horumarka Soomaaliya’’ “Sawirro”

Madaxweynaha: “Xoojinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda waa furaha horumarka Soomaaliya’’ "Sawirro"

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In