Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay xuska sanad guurada 2aad ee uu xilka hayo Cabdiweli Gaas “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay xuska sanad guurada 2aad ee uu xilka hayo Cabdiweli Gaas “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeybgalay xuska sanadkii labaad ee uu xilka hayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasi o ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda xuska sannad-guurada labaad waxaa kaloo qayb-galay Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee dalka Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, siyaasiyiin, Ganacsato, Isimo iyo Marti sharaf kale, waxaana intii munaasabaddu socotey lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado wacyigelin ah oo ku saabsan mustaqbalka  dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada kala duwan ee Puntland ka samaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaala iyo siyaasadda.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland oo caawa labo sano jirsatey ay ku tallaabsatay labadii sano ee ay soo shaqaynaysey guulo la taabankaro hadday ahaan lahay dhinacyada kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda intaba.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad taariikhi ah kajeediyey madasha ayaa ku dheeraaday sooyaalk Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay siyaasadda iyo dhinacyada kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku ammaanay midnimada iyo isku duubnida shacabka Puntland, taaso ah mid mudan in ay kaga daydaan maamulada kale ee dalka kajira, isagoo tilmaamay in ay muhim tahay in la tixgeliyo aragtida shacabka Puntland ee ku aadan doorashooyin lafilayo dalka inay ka qabsoomaan.

IMG_6749 IMG_6750 IMG_6756 IMG_6765 IMG_6782 IMG_6786 IMG_6808 IMG_6815 IMG_6841 IMG_6858 IMG_6867 IMG_6875 IMG_6887 IMG_6895 IMG_6902 IMG_6925 IMG_6933 IMG_6941 IMG_6943 IMG_6953 IMG_7007 IMG_7020 IMG_7059 IMG_7089 IMG_7093 IMG_7095 IMG_7097 IMG_7101 IMG_7143 IMG_7150 IMG_7164 IMG_7187 IMG_7306 IMG_7311 IMG_7322 IMG_7344 IMG_7387 IMG_7416 IMG_7454 IMG_7478

 

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In