Sunday, March 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

Related posts

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

March 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

March 8, 2026

Madaxweynaha ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Previous Post

Wafuud caalami ah oo ka qeyb galaysa Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS oo soo gaartay Muqdisho.

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

March 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS,Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta kormeeray goobta laga qodayo ceel biyood loogu talagalay...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Africa

March 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(ARUSHA-TANZANIA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Meertada 25-aad ee Madaxda Dowladaha Ururka...

Khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya

Khasaaro dhimasho iyo mid hantiyadeed ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya

March 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI-KENYA):-Inta la xaqiijiyay 29 ruux ayaa ku geeriyooday daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ku dhuftay dalka Kenya,...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In