Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Shacabku waxa ay si toos ah Warbaahinta uga daawan doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan “Shacabku waxa ay si toos ah Warbaahinta uga daawan doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos Warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

“Qaraarkii shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada waa mid ka turjumaya in lacagaha shancuurta ah ee laga qaado dadka aysan ku dhicin gacan qaldan ama loo adeegsado dano gaar ah, isla markaana ujeedkii loo qaaday oo ahayd in bulshada loogu adeegayo lagu qabto, waana waxa aan raabno inaan ku taageerno Xukuumadda”.ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in la qaraabeysto ama laga soo dabo ordo qof cunay hanti Qaran ama lagu tuhmayo, waxaana uuna intaa ku daray in shaqsigaas la marsiin doono sharciyada dalka u degsan haddii wax lagu helo ama lagu waayo.

Madaxweynaha ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay Xukuumadda ku taageeraan qaraarkii ay shalay meelmarisay, si loo dhaqangeliyo, maadaama Xukuumaddu ay ka go’antahay fulinta qaraarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Maxkamadaha iyo saxaafadda waxaan ku dhiirigelinayaa in marka la qaadayo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa in bulshada si toos ah loogu baahiyo, si shacabku ay ula socdaan”.

Previous Post

Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha Soogalootiga oo ka qeyb-gashay Shir muhiim ah

Next Post

Ciidamada Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Next Post
Ciidamada Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayd Jubbada Hoose

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In