Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay doorashada iyo xiriirka Ruushka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta furidoona kalfadhigi ugu dambeeyay ee Baarlamanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Arrimaha Wabiga Shabeelle, doorashada iyo socdaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu ku joogo Dalka Ruushka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA isla markaana ka hadlayay webi shabeelle ayaa tilmaamay in ay jirto xeerar caalami ah oo aan suurta gelin karin in Ethiopia ay xirato biyaha webiga Shabeelle, waxaana uu intaa ku daray inaysan ka fileyn dowladda Ethiopia inay xiraneyso biyaha webiga.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay xiriirka dowlada ay la yeelaneyso dowladda Ruushka iyo socdaalka uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tegay dalkaasi ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir soo jireen ah la lahayd Ruushka, isla markaana ay dowladda markale soo ceshaneyso, ujeedkuna aysan ahayn in dowlad kale lagu dulminayo, madaaama ay dowladda Ruushka ay lacago ku leedahay Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka uu meel wanaagsan marayo, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dib u dhiska ciidanka, waxaana uu Madaxweynuhu intaa ku daray inay sii xoojinayaan xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay weli isticmaaleyso hanaanka doorasho ee 4.5 ku saleysan ee ah habka qabiilka, waxaana uu intaa raaciyay in xuquuqda haweenku aysan noqon doonin mid la duudsiiyo oo ay heli doonaan waxa ay xaqa u leeyihiin.

 

 

 

Previous Post

Kulan tahriibka looga hadlay oo muqdisho ka dhacay

Next Post

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo heshiis gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo heshiis gaaray “SAWIRRO”

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya iyo Masar oo heshiis gaaray "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In