Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal hambalyo ah u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal hambalyo ah u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, waxa uuna faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka.”

Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, dowlad-dhiska iyo difaaca Qaranka, isaga oo u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In