Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa dalka Kenya kala hadlay Iskaashiga Amniga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa dalka Kenya  kala hadlay Iskaashiga Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda:

1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Next Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis iskaasho oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Tanzania

Next Post
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis iskaasho oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Tanzania

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis iskaasho oo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Tanzania

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In