Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Furitaaanka Dhismaha Dekedda Garacad “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Furitaaanka Dhismaha Dekedda Garacad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

Related posts

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Al-Shabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirri geliyey deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

Tags: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Furitaaanka waji koobaad ee Dhismaha Dekedda Garacad "SAWIRRO"
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Kulanka Ducada Shuhadada “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dilay Seddex Xubnood Oo Ka Tirsanaa khawaarijta 

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dilay Seddex Xubnood Oo Ka Tirsanaa khawaarijta 

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dilay Seddex Xubnood Oo Ka Tirsanaa khawaarijta 

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
0

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa...

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026
0

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo saaray...

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026
0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In