Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha amniga magaalada Muqdisho ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan sharcigana garab siiyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey nafhurnimada iyo halganka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo u taagan xaqiijinta amniga har iyo habeen.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in ay ka go’antahay dowladdiisa cusub in ay amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka wax weyn ka qabato, iyada oo talaabo adag laga qadayo kooxaha Argagixisada iyo burcada hubeysan ee dadka wax yeeleysa.
Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in waalidiintu ay soo daba galaan kooxaha la baxay ciyaal weerada markii ay soo qabtaan ciidamadu, isagoo ku adkeeyey waalidiinta iyo hey’adaha amniga in qof dambiile ah aan qiil loo raadin ee sharciga la hor geeyo.