Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay go’aankii ciidamada ee Joe Biden

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Sawirro: MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku ogolaaday inuu dib ugu soo celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.
Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada JFS ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay ciidamada xoogga Soomaaliya uga gacan siiyaan ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika, si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhagarqabayaasha Al-Shabaab.
Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.
Previous Post

Galmudug oo soo saartay liiska rag Wanted ah oo Sheekh Shaakir uu ku jiro

Next Post

Wadahadalladii Kyiv iyo Moscow oo burburay

Next Post
Wadahadalladii Kyiv iyo Moscow oo burburay

Wadahadalladii Kyiv iyo Moscow oo burburay

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In