Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurkaย  Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, waxa uuna ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed, oo geeridiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.

โ€œAbwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),ย  Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa.โ€

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka murugeysan geerida naxdinta leh ee Abwaanka ayaa tilmaamay socdaalkii nabadda ee taariikhiga ahaa, oo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku maray dalka xilli dadka Soomaaliyeed ay ka quusteen wax-wada lahaansho, midnimo iyo dowladnimo.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)ย  waxa ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, waxayna Alle uga rajaynayaan in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Previous Post

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka dalka oo kulmay

Next Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Next Post
Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In