Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

March 9, 2026
๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurkaย  Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, waxa uuna ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed, oo geeridiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.

โ€œAbwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),ย  Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa.โ€

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka murugeysan geerida naxdinta leh ee Abwaanka ayaa tilmaamay socdaalkii nabadda ee taariikhiga ahaa, oo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku maray dalka xilli dadka Soomaaliyeed ay ka quusteen wax-wada lahaansho, midnimo iyo dowladnimo.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)ย  waxa ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, waxayna Alle uga rajaynayaan in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Previous Post

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka dalka oo kulmay

Next Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Next Post
Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad โ€œSAWIRROโ€

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In