Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada uva tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti.

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun.Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025

Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo waxay ahayd howlkar Wasiir ka noqotay Wasaarado kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.

Alle ha u naxariisto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, hoygeedana haka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna haka siiyo Qaranka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay.

Aamiin,, Aamiin”

 

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay magaalada Masagawaa

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti "SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay...

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay xarunta cusub ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee NIRA ayaa lagu qabtay magaalada Ceeldheer ee...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Somalia, Saudi Arabia Reaffirm Support for Somalia’s Sovereignty

December 31, 2025
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with his...

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

President Hassan Sheikh Announces Major Oil and Gas Breakthrough; Turkish Drilling Ship Set for Historic Deployment

December 31, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has made a historic announcement declaring significant progress...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In