Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad uu kaga hadlay guulaha ciidamada ka jeediyay meertada 14-aad ee IGAD

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 14-aad ee shirka IGAD ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiima oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, islamarkaana ay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Khawaarijta ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somaliya dib ugu soo laabtay.

Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay Madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiimah oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalka Sudan iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Wasiirka Caddaaladda

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gargaar Beni’aadannimo gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gargaar Beni’aadannimo gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo gargaar Beni'aadannimo gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In