Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 hour ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, Munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah, iyaga oo muujiyey dareenka Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In