Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

October 4, 2026
Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

October 4, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Next Post

Ciidanka NISA oo hawlgalo ka fuliyey Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Next Post
Ciidanka NISA oo hawlgalo ka fuliyey Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidanka NISA oo hawlgalo ka fuliyey Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan...

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta kormeeray xarunta Ciidanka NISA ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In