Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Al-shabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Related posts

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Jeneraal Maxamuud Geelle Yuusuf

Next Post

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Khawaarijta

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In