Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Madaxda Dalalka Bulshada Bariga Afrika U Gidbiyay Codsiga JFS Ee Ka Mid Noqoshada Dalladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Madaxda Dalalka Bulshada Bariga Afrika U Gidbiyay Codsiga JFS Ee Ka Mid Noqoshada Dalladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay Shir Hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen (EAC).

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan khayraadka ceegaaga sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, kuwaasi oo Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu mustaqbalka fiican Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalkiinna, waxaanna rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanaddada soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aannu leennahay khayraad macdan, xoolo iyo kuwo beero. Intaas waxa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahiyey muhiimadda dalkeenna iyo gobolkaba ugu jirta in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalladdan, isaga oo xusay in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku-lammaan.

“Mustaqbalka waddamadani waa uu isku xiran yahay, Soomaaliyana ma doonayso in ay culays idinku ahaato. Taas beddelkeeda, waxa aannu rabnaa in aan noqonno dal waxtar leh oo wax ku soo kordhiya dalalkan muhiimka ah. Sidaasi awgeed, aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxa aan hortiinna ku soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshadeenna dalladdan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalalka Geeska Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagnaayeen Soomaaliya soddonkii sanno ee la soo dhaafay ee uu dalkeennu la tacaalayay duruufaha kala duwan iyo martigelinta ay waddamadaasi u sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee u soo qaxay, iyo guud ahaan doorka ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka oo saldhig u ah qorshayaasha heer gobol iyo heer qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda CQS qeybta 27aad oo kormeeray furimaha dagaalka

Next Post

Maamulka Dhuusamareeb iyo dadweynaha oo ka qeyb-qaatay olale nadaafadeed

Next Post
Maamulka Dhuusamareeb iyo dadweynaha oo ka qeyb-qaatay olale nadaafadeed

Maamulka Dhuusamareeb iyo dadweynaha oo ka qeyb-qaatay olale nadaafadeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In