Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u furay askar ka mid noqonaya ciidanka booliska “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u furay askar ka mid noqonaya ciidanka booliska “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u furay in ka badan 300 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ee Jenaraal Kaahiye.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiiru-dowlaha Amniga Mudane Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo tababarka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in qorshaha talisku uu yahay dib u dhiska ciidanka booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

“Waxaa hoolkan maanta ku kulansan dhibow muddo afar bil ah ku soo jiray tababar, waxaana maanta loo furayaa tababarkooda rasmiga ah oo socon doono muddo sagaal bil, waxaa kaloo halkan ku sugan arday ka soo baxday dugsiyada sare oo aan u qaaday in aan barno qibradaha taraafikada, ilaalinta canshuuraha iyo baarista dambiyada, waxaa kaloo halkan ku sugan labo leyli sargaal oo la diyaarinayo, anagoo la kaashan doono wadamada gacan ka geysan kara, maadaama dugsigan uusan gaarsiisneyn heerka leyli sargaal”ayuu yiri Sareeyo Gaas.

Madaxweynaha oo furay tababarka ayaa ugu horeyn ku booriyay ciidamada inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa ugu adeega bulsahda waxyaabaha ay tababarka ku qaateen.

“Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale kula dar daarmay inay ilaaliyaan sharciga oo ay ogaadaan inaysan jirin cid sharciga ka weyn.

“Booliska waxaa laga rabaa inay ku adkeystaan oo aysan ka baqin qofka qawaaniinta jabiya, ha ahaado sargaal dowladeed, Xildhibaan ha ahaado, xafiiska Prime minester-ka haka tirsanado ama Madaxweynaha, inta aad aaminsantahay in qofkan uu u gefay qaanuunka lala tiigsado sharciga, adiga oo aan ku xadgudbeyn hay’adaha kale ee dalka”ayuu yiri Madaxweynaha.

IMG_0566 IMG_0586 IMG_0592 IMG_0595 IMG_0604 IMG_0609 IMG_0613 IMG_0614 IMG_0616 IMG_0618 IMG_0620 IMG_0622 IMG_0633 IMG_0635 IMG_0637 IMG_0642 IMG_0650 IMG_0655 IMG_0666 IMG_0668 IMG_0671

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo taageertay Maamulka KMG ah ee Jubaland

Next Post

Banaan bax ka dhan ah maleeshiyaadka UGUS oo ka dhacay Muqdisho

Next Post

Banaan bax ka dhan ah maleeshiyaadka UGUS oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In