Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Dalalka Turkiga iyo kuwa kale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Dalalka Turkiga iyo kuwa kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Kuuriyada Koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Alper Akta Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Yeo Sung-jun Danjiraha Cusub ee Kuuriyada Koonfureed, Mudane K. Theshatha Danjiraha dalka Sirilaanka iyo Marwo Marie Charlotte oo ah Danjiraha cusub ee dalka Filibbiin u fadhin doonta Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Previous Post

Agaasime Cayduruus Macallin oo furay shirka Ansixinta Wajiga 2aad ee Asteynta Awoodaha Dowladda 

Next Post

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo

Next Post
Maxkamadda CQS oo xukun ku riday sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In