Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray xarunta Dowladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 20, 2015
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray xarunta Dowladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaani xariga looga jarayay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya, Ku-simaha Ra’isul wasaaraha, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Maamulka gobalka Banaadir, kooxaha Bambeyda Booliska, qeybaha kala duwan ee Bulshada, Fanaanin, diblomaasiyiin iyo marti Sharaf kale.

Goobta ay munaasadda ka socotay waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysa ahmiyada ay Ummadda Soomaaliyed u leedahay in dib loo howlgeliyo xaruntii hore Dowladda Hoose ee Xamar Officio Governo.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

May 14, 2025

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadkii iyo shirkadahii ka qeyb qaatay dhismaha Xarunta Dowladda Hoose oo lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso.

“In la dhiso oo go’aan lagu qaato, iyadoo waxa lagu tashanayo ay yihiin waxa aan heysano dowladda Hoose iyo shacabkeena oo kaliya, waa go’aan adag, markii aan tashanay oo uu Madaxweynaheena nagu diiri geliyay, go’aan waxaan ku qaadanay in Mashruuca dalkaaga dhiso oo uu fekerkeedu lahaa Madaxweyaha, anaguna fulintiisa aan lahayn in aan qaadano, Alle wuu nagu guuleeyay howshaasi” ayuu yiri guddoomiye Muungaab

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haddii ay isku tashadan sida uu maamulka Gobalku isugu tashaday in ay dhisan karaan Waddooyinka iyo Goobaha adeegyada bulshada ee ku burburay dagaallada sokeeye, isagoo ammaan u jeediyay Maamulka Gobolka.

“Maamulka dhismahan hirgeliyay ee bilaabay, waxa uu joogaa taariikhda haddii aan eegno, 15-bilood iyo saddex labaatan maalmood, maamulka 15ka bilood ku hirgeliyay barnaamijkan intaan la eg, ee aan goob jooga ka nahay, waxaa xaqiiqo ah, in muddo kale haddii uu sii joogo uu wax badan qaban karo, Mudane Madaxweyne dalkan waxa uu u baahanyahay dad wax qabanaya, Mudane Madaxweynaha haddii aan nahay Wasaaradda Arrimaha gudaha, waan ku faaneynaa waxqabadka gobolka, gobalka waxa uu ka midyahay Waaxyaha rasmi ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid Xidig.

Ku-simaha Ra’isul wasaaraha ahna Wasiirka cadaalada ee Xukuumadda Fedraalka Soomaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac ( Ilkajiir )   ayaa tilmaamay in  dadka Soomaliyed looga baahan yahay  in ay isku tashtaan oo ay ka maarmaan gacan shisheeye si loo horumariyo dis u dhiska iyo bilcda dalka.

“Farxad ayay ii tahay ka qeb galka xafladan, waxaan aad ugu faraxsanahay dhismaha quruxda badan ee lagu gaaray dhismaha xaruntan iyo maamulka Gobolka ee Waqtigiisa laga hadlay waa arrin fiican, runtii hal kudhiga dalkaaga dhiso waqti fiican ayuu ku soo aaday, waana xilligii loo baahnaa in dalkaaga dhiso aynu wax ku dhisano” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mudane  Mahad Cabdalla Cawad ayaa bogaadiyay Maamulka gobalka Banaadir inay sii dar dar galiyaan dib-udhiska iyo bilicda magaalada Muqdisho.

“Goobtan goob taariikhi ah weeye, waxa ay muujineysaa caasimaddii Jamhuuriyaddu inay dib u soo noolaaneyso, hadba caasimadda Jamhuuriyadda sida ay noqoto ayay himilada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed noqoneysaa, haddii ay qurux badantahay Soomaaliya o dhan way qurux badnaaneysaa xaqiiq weeye” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabada munaasada hadlay ayaa sheegay in xarunta lagu dhisay fikir Soomaaliyeed, ayna muujineyso in Soomaalida ay wax qabsan karaan,  “Dalkaaga dhiso, maalin ayay fikir ahayd, laakiin maanta fikir ma ahan waa dhab, waakana waan ku hoos noolnahay, waan hoos taaganahay, waan arkeynaa bilicda, quruxda, wanaagga, heybadda, sharafta iyo dhaqaalaha ku baxay, yaa ka dhadhan fiican, gurigan anaga ayaa dhisanay oo boqol sano ay waxyar uga dhimanyihiin, waxaana ku soo celinay sidiisii hore, muuqaalkiisii hore ee uu lahaa ayaan ku soo celinay, Maxaan ku soo celinay? Aqoon Soomaaliyeed iyo beeso Soomaaliyeed, tani dhadhan gaar ah ayay leedahay, waan is tijaabinay, waana tijaabo baxnay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan oo ay u midooban si loo xoojin lahaa mashuuruca Dalkaaga dhiso oo haatan lagu dhisay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo muddo ka badan 25 sano bur bursanaa.

Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u kacaan ka shaqeynta nabadda iyo dib u dhiska dalka, si loo gaaro horumar.

“Dalka maanta dhallinyaro ayaa ka mas’uul ah, dhallinyarada ayaa laga rabaa in dalka ay dib u dhisaan, eedda balaaran ee dhallinyarada saaran ma yara, Oday sideetan jir ah madfac uu soo tuuray laguma dumin gurigan, nin dhallinyaro ah madfac uu soo tuuray ayaa gurigan dumiyay, sababtuu doono ha u soo tuuree, maanta ninkii dhallinyarada ahaa in uu dib u dhiso waajib ayay ku tahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay ganacsatadii iyo qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qeyb qadatay dhismaha aqalka dowladda Hoos ee Muqdisho.

IB0A4365 IB0A4545 IB0A4547 IB0A4554 IB0A4558 IB0A4570 IB0A4572 IB0A4579 IB0A4583 IB0A4585 IB0A4593 IB0A4635 IB0A4675 IB0A4731 IB0A4764 IB0A4803  IB0A4859 IB0A4860 IB0A4862 IB0A4870 IB0A4908 IB0A5002 IB0A5027 IB0A5050 IB0A5139 IMG_1990 IMG_2002 IMG_2010 IMG_2013 IMG_2018 IMG_2019 IMG_2034 IMG_2048 IMG_2051 IMG_2093 IMG_2094 IMG_2164 IMG_2174 IMG_2228 IMG_2241 IMG_2242 IMG_2243 IMG_2245 IMG_2248 IMG_2258 IMG_2273 IMG_2305 IMG_2313 IMG_2315 IMG_2324 IMG_2353 IMG_2366 IMG_2375 IMG_2379 IMG_2383 IMG_2386 IMG_2395 IMG_2409 IMG_2411 IMG_2426 IMG_2430 IMG_2475 IMG_2476 IMG_2512 IMG_2517 IMG_2573

Sawir Qaade:- Ilyaas Jamaal iyo Qadar Cali Nuur

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartan Qur’aan akhris ah oo loo qabtay arday Soomaaliyeed

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Tartan Qur'aan akhris ah oo loo qabtay arday Soomaaliyeed

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu...

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

May 14, 2025
0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka...

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada

May 14, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu qiimeynayo muuqaalka guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In