Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Johannesburg “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Johannesburg “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg.

Kulankan taariikhiga ah ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Soomaaliya si xawli ay yay uga soo kabaneysaa dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye. Waxaan haatan u gudubnay marxalad cusub oo ah dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan doonayaa in Shiinaha iyo Soomaaliya ay dib u soo ceshtaan iskaashigooda taariikhiga ah, maalgashiga aan Soomaaliya u dooneynana ay Shiinaha qeyb ka noqdaan. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweyneyso maalgashiga Shiinaha, inagoo diyaar u ah inaan dhinacyo badan iska kaashano’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa.

Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay daraasad ugu sameeyaan barnaamijyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotey labada dal.

1 2 3

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukuumadda oo ku baaqday in la tixgeliyo heshiiskii Gaalkacyo

Next Post

Xukuumadda oo ku baaqday in la tixgeliyo heshiiskii Gaalkacyo

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In