Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaaabsatay 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaaabsatay 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta si wadajir ah shir jaraa’iid ugu qabtey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Erdogan booqashadan taariiikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo doorka Turkiga uu ka qaadanayo dib u dhiska Soomaaliya.

‘’Booqashooyinkaaga Soomaaliya waa kuwo faa’iido badan u leh ummadda Soomaaliyeed. Horumar la taaban karo ayuu waddanku ku tallaabsadey shanti sanno ee la soo dhaafey.Waxaa qof walba oo Soomaaliyeed uu qirayaa in Turkiga uu door weyn ka qaatey dib u soo kabashadeena, farxad ayeyna noo tahay inaad goobjoog u noqoto, indhahaagana aad ku aragto horumarka ay Soomaaliya gaareyso’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Dowladda iyo shacabka Turkiga waxay taageero muhiim ahayd inoo fidiyeen xilligii shacabkeenu uu dhibaateysnaa.Waxaa Turkiga uu haddana goobjoog ahaa markii aan soo kabsaney, haddana waxaa taariikh ah, inay nala jiraan waqti aan horumar siyaasadeed iyo mustaqbal ifaya aan diiradda saarney’’.

Waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya intaa ku darey in heshiisyada maanta ay kala saxiixdeen labada dal ay ka tarjumayaan sida dowladda Turkiga ay uga go’an tahay inay taageerto shacabka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed.

“Horumarka kale ee aan hiigsaneyno sannadkan waxaa ka mid ah doorashada dhaceysa bisha August. Waxaan ku rajo weynahay in afarta sanno ee soo socota ay Soomaaliya noqoto goob maalgashi oo xor ah. Waxaan xoogga saareynaa horumarka dhalinyarada, machadka dhowaan furmi doona ee tababarka xirfadaha ee Turkiga uu inoo dhisayna waxaa uu noqon doona mid kaalin weyn ka geysta in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo ka hadleyey dhanka amniga waxaa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey Madaxweynaha Turkiga sida geesinimada leh ee uu ugu dhiiradey safarkiisa Muqdisho, xilli argagixisada Al Shabab ay is moodsiiyeen inay carqaladeyn karaan socdaalkan muhiimka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ugu horeyn xusey xaaladaha adag ee haysta shacabka Soomaaliyeed sida abaaraha oo uu sheegay in dhowaan kaalmo waxtar leh la gaarsiin doono shacabka ku dhaqan maamullada Somaliland iyo Puntland ee ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaa sidoo kale uu ku dhawaaqey in dhowaan la bilaabi doono hirgelinta heshiisyada maanta ay kala saxiixdeen labada dowladood, dhanka kalena la bilaabayo dhismaha xarunta cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dowladda Turkiga ay ka hirgelineyso magaalada Muqdisho, iyadoo mashruucaasina uu qaadan doono muddo laba sanno ah.

“Soomaaliya iyo Turkiga waa shacab walaalo ah oo is garab qabanaya, sida ay ina fareyso diinteena xaniifka ah. Waxaan sii wadeynaa kabista miisaaniyadda Soomaaliya, horumarinta waddooyinka Muqdisho iyo mashaariic kale oo horumarineed oo dalka oo dhan gaari doona. Waxaana qirayaa inay Soomaaliya horumar la taaban karo ku tallaabsaneyso, ayna mudan tahay in wax lala wadaago. Waxaan filayaa in waddamada kale ee beesha caalamka ay ku dayan doonaan doorka Turkiga uu ka cayaarayo arrimaha Soomaaliya’’.

Dhanka siyaasadda Mr Erdogan waxaa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sannadkan ay tahay mid u muujin doonta caalamka in dalkan uu go’aansadey inuu horey u sii socdo, sida darteedna loo baahan yahay fursaddan laga faa’iideysto, Soomaalidana ay midoobaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Erdogan uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, weerarkii waxashnimo ee dhowaan argagixisada ay ku dileen dad aan waxba galabsan, isagoo ku booriyay Soomaaliya inaaney marnaba joojin dagaalka lagula jiro argagixisada.

Waxaa uu hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida diiran ee ay maanta isugu soo baxeen soo dhoweyntiisa, isagoo dhanka kalena u diray hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadan ee la filayo inay dhowaan bilato.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixdey heshiisyo iskaashi iyo wax wadaqabsi

Next Post

War-murtiyeedka Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed

Next Post
War-murtiyeedka Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed

War-murtiyeedka Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In