Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaaabsatay 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaaabsatay 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta si wadajir ah shir jaraa’iid ugu qabtey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Erdogan booqashadan taariiikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo doorka Turkiga uu ka qaadanayo dib u dhiska Soomaaliya.

‘’Booqashooyinkaaga Soomaaliya waa kuwo faa’iido badan u leh ummadda Soomaaliyeed. Horumar la taaban karo ayuu waddanku ku tallaabsadey shanti sanno ee la soo dhaafey.Waxaa qof walba oo Soomaaliyeed uu qirayaa in Turkiga uu door weyn ka qaatey dib u soo kabashadeena, farxad ayeyna noo tahay inaad goobjoog u noqoto, indhahaagana aad ku aragto horumarka ay Soomaaliya gaareyso’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Dowladda iyo shacabka Turkiga waxay taageero muhiim ahayd inoo fidiyeen xilligii shacabkeenu uu dhibaateysnaa.Waxaa Turkiga uu haddana goobjoog ahaa markii aan soo kabsaney, haddana waxaa taariikh ah, inay nala jiraan waqti aan horumar siyaasadeed iyo mustaqbal ifaya aan diiradda saarney’’.

Waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya intaa ku darey in heshiisyada maanta ay kala saxiixdeen labada dal ay ka tarjumayaan sida dowladda Turkiga ay uga go’an tahay inay taageerto shacabka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed.

“Horumarka kale ee aan hiigsaneyno sannadkan waxaa ka mid ah doorashada dhaceysa bisha August. Waxaan ku rajo weynahay in afarta sanno ee soo socota ay Soomaaliya noqoto goob maalgashi oo xor ah. Waxaan xoogga saareynaa horumarka dhalinyarada, machadka dhowaan furmi doona ee tababarka xirfadaha ee Turkiga uu inoo dhisayna waxaa uu noqon doona mid kaalin weyn ka geysta in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo ka hadleyey dhanka amniga waxaa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey Madaxweynaha Turkiga sida geesinimada leh ee uu ugu dhiiradey safarkiisa Muqdisho, xilli argagixisada Al Shabab ay is moodsiiyeen inay carqaladeyn karaan socdaalkan muhiimka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ugu horeyn xusey xaaladaha adag ee haysta shacabka Soomaaliyeed sida abaaraha oo uu sheegay in dhowaan kaalmo waxtar leh la gaarsiin doono shacabka ku dhaqan maamullada Somaliland iyo Puntland ee ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaa sidoo kale uu ku dhawaaqey in dhowaan la bilaabi doono hirgelinta heshiisyada maanta ay kala saxiixdeen labada dowladood, dhanka kalena la bilaabayo dhismaha xarunta cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dowladda Turkiga ay ka hirgelineyso magaalada Muqdisho, iyadoo mashruucaasina uu qaadan doono muddo laba sanno ah.

“Soomaaliya iyo Turkiga waa shacab walaalo ah oo is garab qabanaya, sida ay ina fareyso diinteena xaniifka ah. Waxaan sii wadeynaa kabista miisaaniyadda Soomaaliya, horumarinta waddooyinka Muqdisho iyo mashaariic kale oo horumarineed oo dalka oo dhan gaari doona. Waxaana qirayaa inay Soomaaliya horumar la taaban karo ku tallaabsaneyso, ayna mudan tahay in wax lala wadaago. Waxaan filayaa in waddamada kale ee beesha caalamka ay ku dayan doonaan doorka Turkiga uu ka cayaarayo arrimaha Soomaaliya’’.

Dhanka siyaasadda Mr Erdogan waxaa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sannadkan ay tahay mid u muujin doonta caalamka in dalkan uu go’aansadey inuu horey u sii socdo, sida darteedna loo baahan yahay fursaddan laga faa’iideysto, Soomaalidana ay midoobaan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Erdogan uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, weerarkii waxashnimo ee dhowaan argagixisada ay ku dileen dad aan waxba galabsan, isagoo ku booriyay Soomaaliya inaaney marnaba joojin dagaalka lagula jiro argagixisada.

Waxaa uu hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida diiran ee ay maanta isugu soo baxeen soo dhoweyntiisa, isagoo dhanka kalena u diray hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadan ee la filayo inay dhowaan bilato.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixdey heshiisyo iskaashi iyo wax wadaqabsi

Next Post

War-murtiyeedka Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed

Next Post
War-murtiyeedka Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed

War-murtiyeedka Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In