Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynihii Tuniisiya oo geeriyooday

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynihii Tuniisiya oo geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynihii Dalka Tunisia, Beji Caid Essebsi, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalkaasi, sida ay daabacday Wakaaladda wararka ee , Associated Press AP.

Idaacadda Dowlada ee Wataniya ayaa sheegtay in, Beji Caid Essebsi loola cararay Isbitaal ay Militarigu leeyihiin Xalay, halkaas oo uu ku geeriyooday, waana markii Saddexaad ee Todobaad gudahii uu galo dhaqtarka, markii ay la soo derseen xaalado caafimaad darro.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Beji Caid Essebsi, oo 92 jir ku geeriyooday ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee si Dimoqraaddi ah loo soo doortay, isagoo Xafiiska qabtay Sanaddii 2014 –kii , ka dib kacdoonkii Carabta ee talada lagaga tuuray hoggaamiyihii hore ee Tuniisiya, Zine El Abidine Ben Ali.

Beji Caid Essebsi, ayaa dhowaan sheegay inuusan isu soo sharrixi doonin doorashada lagu wado in ay dhacdo Bisha Noofembar ee Sanadkan, sababo la xiriira xagga da’da.

Madaxweyne , Beji Caid Essebsi, oo ahaa asaasaha Xisbiga cilmaaniga ah ee Nidaa, ayaa lagu xusuustaa hadal uu soo jeediayay Augost 2017-kii, oo ahaa in la simmo dhaxalka Raga iyo Dumarka iyo in Haweenka Muslimka ah ay guursan karaan Ragga aan Islaamka ahayn, taas oo ay ka dhalatay caro aad u weyn.

Previous Post

AUN Shahiid Xasan Maxamed Sabriye

Next Post

Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Next Post
Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In