Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha 6-aad heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ka furmay Istanbul+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha 6-aad heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ka furmay Istanbul+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka qeyb galay shirka Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum), kaasi oo si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul.

Madasha HLPF ayaa waxaa martigelinaysa dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, ayaa waxaa si rasmi ah u furay  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, waxaana wadajir u shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigisa Turkiga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirka Waxaa ka qeybgalay in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaaa sannadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.

Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

istanbul-1 istanbul-2 istanbul-3 istanbul-4 istanbul-5 istanbul-6 istanbul-7 istanbul-8

Previous Post

Horjooge ka tirsan Al shabaab  oo laga soo qabtay Hoteel ku yaal Suuqa Bakaaraha+Sawirro

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo agab jiif ah gaarsiisay isbitaallo ku yaala Muqdisho

Next Post
Wasaaradda caafimaadka oo agab jiif ah gaarsiisay isbitaallo ku yaala Muqdisho

Wasaaradda caafimaadka oo agab jiif ah gaarsiisay isbitaallo ku yaala Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In