Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed oo maanta Buugaag Muhiim ah u qeybisay qaar kamid ah Maktabadaha dalka “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed oo maanta Buugaag Muhiim ah u qeybisay qaar kamid ah Maktabadaha dalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Illaa shan kun oo buugaag ah kuwaasi oo isagu jira Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ayaa maanta ay maktabadda Qaranka Soomaaliyeed ku wareejisay ugu yaraan shan maktabadood oo ku kala yaala magaalooyin ay kamid yihiin Beled-weyne, Garoowe, Baydhabo, Guriceel iyo Luuq oo katirsan gobolka Gedo.

Munaasabada Wareejinta buugaagtan oo ka dhacday xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed ahna hoyga faafinta hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Maktabadda Qaranka, Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka iyo bahda qalin leeyda oo ay ugu horreeyaan shanta maktabadood oo ku guulleystay in loogu deeqo buugaagtaas.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Agaasimaha Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka ee Akadeemiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Prof Maxamed Cilmi oo hadal kajeediyay munaasabada ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta maktabadaha magaalooyinka dalka inay muhiimad gaar ah siiyaan gudbinta fariimaha Akhriska iyo qoraalka waxaana uu ugu baaqay in ay nidaam casri ah u bedelaan maktabadaha si ay ula jaanqaadaan maktabadaha caalamka.

Maktabadaha kuyaala magaalooyinka dalka ayaa ka shaqeeya dhiirigelinta akhriska buugaagta cilmiga waxaana ka shaqeeya dhalinyaro aqoonyahanno ah oo gacan ka siiya dadka sidii lagu gaarsiin lahaa buugaagta aqoon darsiga iyo cilmiga.

Buugaagta la qaybiyay ayaa ka kooban buugaag ay ku qoran yihiin Siyaasadda, Dhaqaalaha, Suugaanta iyo Dhaqanka.

“Waxaan ku guuleysanay inaan kor kala socono maktabadaha iyo daruufaha ay ku shaqeeyaan si aan ugala shaqeyno dhammeeytirka baahiyaha ay qabaan” sidaasi waxaa yiri Maxamed Axmed Shiil oo ah Agaasimaha Maktabadda Qaranka.

Qeybinta buugaagtan oo ay ka soo shaqeysay Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed iyadoo la kaashanaysa Maktabadda dalka Jordan ayaa waxaa ay qayb ka ah faafinta iyo dhiirigelinta Akhriska iyo qoraalka farta Soomaaliga howshaasi oo ay qeyb weyn ku leedahay Maktabadda Qarankeena Soomaaliyeed.

Maktabadda Qaranka oo ah keyd taariikhda dalka ayaa dib loo howlgeliyay sanadkii 2012-kii, iyadoo xarunteedii hore dib loogu dhisay barnaamijka isxilqaan oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday.

Waxaana jirta in dhowr jeer oo kala duwan ay u qeybisay buugaag muhiim ah oo ay ka faa’iideeysteen dugsiyo iyo jaamacado badan oo kuyaala gobollada dalkeena Soomaaliya.

Previous Post

R/wasaare Khayre Oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka maaliyadda, guddoonka Baniga Dhexe iyo xisaabiyaha guud+sawirro

Next Post

Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka oo la kulmay madaxda UNSOM+sawirro

Next Post
Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka oo la kulmay madaxda UNSOM+sawirro

Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka oo la kulmay madaxda UNSOM+sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In