Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo la xukumay

admin by admin
8 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo la xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,  Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsan-yihiin Koox gaar ah  oo ay ula baxeen (jugta Culus)  taas oo  loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray maleeshiyada Alshabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, balse reerkiisa oo aan ku qanacsaneen fikirka  gurracan ee kooxdaas ayaa ula cararay Nairobi oo uu la deganaa walaashiis hasa ahaate waxa uu go’aansaday in uu ku soo laabto Soomaaliya isaga oo aan ka bixin fikirkii kooxda Alshabaab.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

August 26, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

August 26, 2026

Baar ismaaciil degmada Afgo’e ee gobalka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Alshabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale  isaga iyo koox kale oo  xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Cabdirisaaq  Shaahid Aadan Kheyrdoon (Cagta) waxa uu  sheegay Alshabaab in uu kaga  biiray Ceelasha biyaha 2008,  ka hor waxa uu ka tirsanaa xizbulislaam, waxaa laga qabtay 2013 agagaarka soona (k) xilligaas ayay ciidamada baarista u soo gudbiyeen Xafiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida,  shan sano xabsi ciidan ah ayay  ku xukuntay Maxkamadda Ciidadamada Qalabka Side, 2017 bishii labaad ayuu dhameystay Xukunkiisa balse Markale ayuu go’aansaday in uu kasii mid ahaado Alshabaab, waxaana lala qabtay Eedeysanayaasha kale ee iyana la xukumay.

Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed 2009 ayuu ku biiray Alshabaab, waxa uu soo dhameystay laba sano oo xabsi ciidan ah, intaas kedib waxa uu  u baxay  Sacuud Carabiya  uu  ku soo bartay Xirfadda Korontada balse mardambe uu soo laabtay ayuu halkiisa kasii waday shaqada kooxda Alshabaab oo ay  isku shabakad noqdeen eedeysanayaasha laga soo wada qabtay Xaafadda Carafaad degmada Yaaqshiid ee gobalka Benaadir.

Hey’adaha Baarista ayaa sidoo kale ku ogaaday In Saleebaan Muxsin uu  tababar marin habaabin ah ku soo qaatay deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali oo iyana kawada tirsan Alshabaab ayaa uga duwan eedeysanayaasha kale in ay yihiin markii ugu horreysay oo ay wajahayaan cadaaladda, waxa ay ku sheegeen xiriirka ka dhexeeya mid xaafadeed oo ay wada ciyaari jireen kubadda cagte balse eedeysane kale oo iyaga lala qabtay ayay ku sheegeen in ay ku barteen farsameynta Korontada, waxaasa  Hey’adaha baarista oo isticmaalaya habka barista casriga ay heleen cadeymo  muujinaya  in xiriir ka dhexeeyo weliba ku qotomo mid aad u dhagar badan oo farsamooyin ku hoos qariyeen, farsamooyinkaas waxaa kamid ah magacyada Nambarada ku qoran oo ay kawada xiriir jireen sida jabra, simba, Caluuq iyo Cagta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeymadaha dambiyada oo qoraal ah iyo markaatiyaal horkeenay Makxamadda Ciidamada, waxaana Sidoo kale Maxkamadda dhageystay Qareenada Eedeysanayaasha oo iyagana ku dooday in loo naxariisto Maadaama Eedeysanayaasha ay ku qasabtay kamid ahaanshiyada kooxda dhaqaale xumo iyo Handadaad ay kala kulmeen kooxda.

Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Kooxda Alshabaab Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale , Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay warbaahinta Dowladda  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaa Rafcaan hadii aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Midnimo oo is cafinta ku saabsan

Next Post

Kuwait oo bogaadisay dadaaalada Madaxeynaha JFS ee Geeska Afrika

Next Post
Kuwait oo bogaadisay dadaaalada Madaxeynaha JFS ee Geeska Afrika

Kuwait oo bogaadisay dadaaalada Madaxeynaha JFS ee Geeska Afrika

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

August 26, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse (Jaake), ayaa maanta kormeer shaqo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In