Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Manchester: Ninkii Soomaaliga ahaa ee toorrida weerarka ku geystay oo la xukumay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Manchester: Ninkii Soomaaliga ahaa ee toorrida weerarka ku geystay oo la xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nin Soomaali ah oo isku dayay inuu dilo saddex ruux, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay.

Waxaa horay loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xiriira isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka.

Maxamuud ayaa marka hore lagu xiri doonaa meel ka mid ah isbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo.

Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yiri ; “Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha”.

“Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho”, ayuu yiri garsooraha.

Mahdi ayaa ninka dhowr jeer toorrida uga dhuftay dhabarka, garbaha iyo madaxa, haweeneydii la socotayna wuxuu uga dhuftay wajiga, ka hor inta uusan weerarin askariga, oo isku dayayay inuu ka qabto.

Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay.

Maxamuud ayaa marka isbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono.

Maxkamadda ayaa horay loogu sheegay in Maxamuud uu daba socday lammaanaha, oo da’dooda lagu sheegay 50-meeyo, abaare saacaddu markii ay ahayd 21:00 GMT, 31-kii bishii December.

Wuxuu ku dhawaaqay erayada “Allahu Akbar” iyo “ha noolaado khaliifada”, kadibna wuxuu ku weeraray toorri.

13 dhaawac oo ninka haweeneyda la socday soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah jab, halka haweeneydana dhaawaca wajigeeda ku dhacay uu gaaray ilaa lafta.

Mr Valentine, oo 31 jir ah ayaa rasaas ku riday Mahdi, balse waxay ku hakatay jaakaddiisa, mana aysan curyaaminin.

Askariga oo ka tirsanaa booliska gaadiidka ee Britain ayaa garabka laga tooriyeeyay ka hor inta aan ninka weerarka fulinayay la xirin.

Middi kale oo nooca jikada lagu isticmaalo ah ayaa laga helay Mahdi jeebkiisa, booliska Manchester ayaana sheegay inay sidoo kale ka heleen waxyaabo badan oo muujinaya fikradaha argagixisada.

Maxamuud, oo heysta dhalashada Netherlands, asal ahaanna kasoo jeeda qoys Soomaali ah, ayaa UK tagay isagoo 9 jir ah, waxaana lagu xagjireeyay dhinaca internet-ka, sida ay booliska ku warrameen.

Det Supt Will Chatterton ayaa yiri: “Kani wuxuu ahaa weerar argagax leh oo dhacay mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka waana ogahay in dadka waxyeelladu gaartay ay waligood xasuusnaan doonaan arrintaas.

“Shaki kuma jiro waxa dhici lahaa haddii uu Maxamuud adeegsan lahaa middida weyn ee ku jirtay jeebka jaakaddiisa”.

‘Naxdin weyn’

Maxamuud aabihiis, oo warqad u diray garsoorka maxkamadda, ayaa sheegay in qoyskiisu ay dadka dhaawacmay u duceynayeen tan iyo markii uu dhacay weerarka “argagaxa” leh, wuxuuna sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jawaabta degdegga ah ee ay ciidanka amnigu bixiyeen.

Wuxuu intaas ku daray in qoysku ay aad uga “argagaxeen”, ayna “naxdin weyn” dareemeen markii ay maqleen waxa uu wiilkiisa sameeyay, isagoo sheegay in haddii uusan dhibaato dhinaca maskaxda ah qabin uusan sameyn lahayn ficil noocaas ah.

Xigasho BBC Somali

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Trump oo saxiixay sharci lagu taageerayo dibad baxyaasha Hong Kong

Next Post
Trump oo saxiixay sharci lagu taageerayo dibad baxyaasha Hong Kong

Trump oo saxiixay sharci lagu taageerayo dibad baxyaasha Hong Kong

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In