Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maradona oo u geeriyooday wadno xanuun

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maradona oo u geeriyooday wadno xanuun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida lagu qoray Daily mail halyeygii hore ee Xulka kubadda cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre ee dalka Argentina kadib markii uu asiibay wadno xanuun.

Maradona oo ahaa 60 jir wuxuu ka mid ahaa xirfadyahanadii ugu sareeyay ee abid soo maray kubadda cagta, waxaana si gaara loogu xusuustaa koobkii dunida ee sanadkii 1986 uu gacanta u galiyay dalkiisa Argentina, isagoo xulkiisa u saftay 91 cayaar caalami ah, una dhaliyay 34 gool.

Related posts

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025

Guulihii uu ka gaaray ciyaaraha kubadda cagta waxaa ka mid ah

Koobkii Adduunka oo u qaaday dalkiisa sanadkii 1986 ee lagu qabtya Mexico

Copa América oo uu ka galay kaalinta saddexaad 1989 laguna qabtay Brazil

Koobka Adduunka ee ka yar 20 jirada ee lagu qabtay Japan oo uu xulkiisa u qaaday sanadkii 1979-kii.

Xidiga ayaa u soo cayaaray Kooxaha Argentinos Juniors, Boca Juniors oo labaduba ka dhisan Argentina, Barcelona oo Spain ah, Napoli oo Talyaani ah oo uu kula guuleystay labo koob oo horyaalka Talyaaniga ah, Sevilla oo sidoo kale Spain ah, Newell’s Old Boys iyo markale oo uu ku soo laabtay naadigii hore ee Boca Juniors.

Madaxweynaha xirirka kubadda cagta ee dalka Argentine Claudio Tapia ayaa xaqiijiyay geerida halyeeyga xulka Qaranka Argentine.

Maradona ayaa lagu tiriyaa in uu ahaa xidiggaha mucjisada ah ee kubadda cagta adduunka soo maray.

Horaantii bishan ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka maskaxda ah, waxaana dib loogu celiyay hoygiisa markii lagu guuleystay qaliinka.

Maradona wuxuu dhashay 30 October 1960, wuxuuna geeriyooday 24 November 2020

Previous Post

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari oo dhiiri geliyay arday ka qalin badalaneysay Jaamacadda bariga Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka...

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In