Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada Faaqidaada Wararka

Mareykanka: Kuwee ahaayeen Madaxwaynayaashii  ku guul darreystay in mar labaad la doorto

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Faaqidaada Wararka, Maqaallo, Wararka
0
Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo waagii John Adams uu ka talinaayay Mareykanka (1797 – 1801), toban Madaxwayne ayaa ku guul darraystay inay xilligoodi labaad soo laabtaan, kuwaas uu ugu danbeeyay Madaxwaynaha hadda xilka haya ee Donald Trump oo guul darro kala kulmay musharraxa dimuquraadiga ee Joe Biden.

Dastuurka Mareykanka wuxuu dhigayaa in Madaxwaynuhu xaq u leeyahay inuu xafiiska sii joogo ugu badnaan laba xilli oo middiba tahay 4 sano.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Madaxweynayaashii tartamay laakiin ku guuldareystay inay qabtaan xilka madaxtinimada markii labaad, waxaa ka mid ahaa:

Gerald Ford:

Ford wuxuu ku guul darreystay in dib loogu doorto Madaxwaynaha Mareykanka 1976, isagoo xilka qabtay kadib iscasilaadii Richard Nixon.

Ford oo Jamhuuri ahaa wuxuu guul darro kala kulmay Jimmy Carter doorashadii dhacday 1976.

Jimmy Carter:

Carter wuxuu Madaxwayne ka soo noqday Mareykanka 1977 ilaa 1981, laakiin waxaa isna ka badiyay  1980 Ronald Reagan.

Guul darradii Carter waxay abuuraty casbi badan kadib markii laba Madaxwayne oo isku xiga ay ku guul darraysteen inay soo laabtaan mar labaad.

George Bush-kii aabaha ahaa:

Bush-ki aabaha ahaa wuxuu ahaa Madaxwaynihii 41-aad ee Maraykanka soo mara, wuxuuna ka mid ahaa Madaxwaynayaashii ku fashilmay inay mar labaad difaacdaan inay sii joogaan Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.

Bill Clinton oo ahaa dimuquraadi ayaa kaga guuleystay Bush doorashadii dhacday 1992.

Bush wuxuu agaasime ka soo noqday CIA intii u dhaxeysay 1976 iyo 1980, wuxuuna Madaxwayne ku xigeen u noqday Reagan intii u dhaxeysay 1981 iyo 1989, isagoo ugu dambayn noqday Madaxwaynaha Mareykanka.

Herbert Hoover: Wuxuu hayay madaxtinimada Mareykanka intii u dhaxeysay 1929 iyo 1933.

William Howard Taft: wuxuu qabtay jagadaan intii u dhaxeysay 1909 iyo 1913.

Benjamin Harrison: Wuxuu madax ka ahaa dalka Maraykanka intii u dhaxeysay 1889 iyo 1893.

Martin Van Buren: Wuxuu  xukumaayay Mareykanka intii u dhaxeysay 1837 iyo 1841.

John Quincy Adams, waxaa dhalay Madaxweynihii labaad ee Mareykanka John Adams, wuxuuna xafiiska qabtay intii u dhaxeysay 1825 iyo 1829.

John Adams: Wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee ku guul darreysta inuu dib ugu soo laabto xilka Madaxwayne ee Mareykanka, isagoo xilka hayay intii u dhaxeysay 1797 iyo 1801.

Donald Trump oo ah Madaxwaynaha hadda xilka haya ayaa guul darro kala kulmay siyaasiga gaamuray ee Dimuquraadiga Joe Biden doorashadii dhacday billaawga bishaan, wuxuuna ku biiray liiska Madaxwaynayaashii ku guul darraystay inay mar labaad soo noqdaan.

W/D: Axmed Maxamed Axmed (Axmed Caato)

 

 

Previous Post

Ciidanka Jabuuti oo qalab isboorti ku wareejiyay bahda isboortiga Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In