Sunday, March 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo shaaciyey inaysan waxba iska badalin siyaasaddeeda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid muhiim u ah ilaalinta qaranimada dalka iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Dowlada Markeeykanka ayaa hadalkan ka sheegtay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya dalbatay si looga wada hadlo faragelinta Israa,iil ee Soomaliya.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, ayna muhiim tahay in la dhowro qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay mowqif adag ka taagan tahay in Soomaaliya la kala gooyo, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la dhowro, isla markaana aan laga oggolaan faragelin.

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, in ay qaataan mowqif mideysan oo lagu ilaalinayo qaranimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka, ayna ka hortagaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida dalka.

Previous Post

Magaalooyinka Dalka oo si weyn looga dhigay dibad baxyo ka dhan ah Israiil

Next Post

Dowladda Shiinaha oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post
Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Dowladda Shiinaha oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In