Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo loo gesytay duqeyn xagga cirka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee drones-ka militiga Mareykanka uu leeyahay ayaa maalintii khamiistii waxaa ay fulisay howlgal lagu dilay Β horjoogiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheeyay dil loo geystay muwaadiniin Mareykan ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Pentagon.

Hassan Ali Dhoore, oo kamid ah horjoogiyaasha Β Al-Shabab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, ayaa Peter Cook, oo saxaafadda u qaabilsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon waxaa uu war qoraal ah ku sheegay in Dhoore uu Al-ShabaabΒ  u qaabilsanaa dhanka amniyaadkaΒ  isla markaana oo ku lug lahaa weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

β€œAnagoo si dhow u darsayna natiijada howlgalkaΒ  lagu diley horjooge Β Dhoore waxaa ay dharbaax weyn ku tahay awoodda, qorsheynta iyo howlgalada kooxda Al-Shabaab ay la beegsadaan dowladda Soomaaliya, muwaadiniinta Soomaaliyeed saaxiibada Mareykanka ee gobolka iyo guud ahaan Mareykanka,” Β ayuu yiri Mr Cook.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel 20 mile u jirta degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, isla markaana gentaal lagu dhuftay gaari uu la socday horjooge Xasan Cali Dhoore oo ay la socdeen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab xilli fiid hore ah.

Madaxa saxaafadda ee Pentagon Peter Cook ayaa sheegay in Β Dhoore uu si toos ah ugu lug lahaa weerarkii 25 December, 2014, Β lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo lagu diley tiro kamid ah nabad ilaaliyeyaasha ee AMISOM iyo nin Amerikaan ah oo lagu magacaabo Brett Fredricks oo la shaqeynayay hey’add tababarada ka caawisa howlgalka AMISOM ee Bancroft.

Sidoo kale waxa uu ku lug lahaa weerarkii bishii March 27, 2015, lagu qaaday Hotel Β Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 15 ruux oo ay ku jireen muwaadin Soomaali oo heystay dhalashada Mareykanka sida ay sheegtay Pentagon, iyadoo isla weerarkaasi uu ku dhintay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Switzerland Yusuf Mohamed Baribari.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed JeneraalΒ Cali baashi ayaa uxaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA in hawlgalkii habeen horeΒ ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Shabeellaha hoose ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa amniyaadka iyo Toboneeyo Maleeshiyaad ah oo lasocday.

Previous Post

Maamulka shabeelaha hoose oo biya dhaamin ka billaabay tulooyinka hoose yimaada Afgooye+Sawirro

Next Post

AMISOM oo xoojineysa tababbarada ay u fidineyso ciidanka booliska

Next Post
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

AMISOM oo xoojineysa tababbarada ay u fidineyso ciidanka booliska

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In