Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo loo gesytay duqeyn xagga cirka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee drones-ka militiga Mareykanka uu leeyahay ayaa maalintii khamiistii waxaa ay fulisay howlgal lagu dilay  horjoogiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheeyay dil loo geystay muwaadiniin Mareykan ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Pentagon.

Hassan Ali Dhoore, oo kamid ah horjoogiyaasha  Al-Shabab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, ayaa Peter Cook, oo saxaafadda u qaabilsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon waxaa uu war qoraal ah ku sheegay in Dhoore uu Al-Shabaab  u qaabilsanaa dhanka amniyaadka  isla markaana oo ku lug lahaa weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Anagoo si dhow u darsayna natiijada howlgalka  lagu diley horjooge  Dhoore waxaa ay dharbaax weyn ku tahay awoodda, qorsheynta iyo howlgalada kooxda Al-Shabaab ay la beegsadaan dowladda Soomaaliya, muwaadiniinta Soomaaliyeed saaxiibada Mareykanka ee gobolka iyo guud ahaan Mareykanka,”  ayuu yiri Mr Cook.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel 20 mile u jirta degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, isla markaana gentaal lagu dhuftay gaari uu la socday horjooge Xasan Cali Dhoore oo ay la socdeen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab xilli fiid hore ah.

Madaxa saxaafadda ee Pentagon Peter Cook ayaa sheegay in  Dhoore uu si toos ah ugu lug lahaa weerarkii 25 December, 2014,  lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo lagu diley tiro kamid ah nabad ilaaliyeyaasha ee AMISOM iyo nin Amerikaan ah oo lagu magacaabo Brett Fredricks oo la shaqeynayay hey’add tababarada ka caawisa howlgalka AMISOM ee Bancroft.

Sidoo kale waxa uu ku lug lahaa weerarkii bishii March 27, 2015, lagu qaaday Hotel  Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 15 ruux oo ay ku jireen muwaadin Soomaali oo heystay dhalashada Mareykanka sida ay sheegtay Pentagon, iyadoo isla weerarkaasi uu ku dhintay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Switzerland Yusuf Mohamed Baribari.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cali baashi ayaa uxaqiijiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA in hawlgalkii habeen hore ee Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Shabeellaha hoose ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabijiray Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa amniyaadka iyo Toboneeyo Maleeshiyaad ah oo lasocday.

Previous Post

Maamulka shabeelaha hoose oo biya dhaamin ka billaabay tulooyinka hoose yimaada Afgooye+Sawirro

Next Post

AMISOM oo xoojineysa tababbarada ay u fidineyso ciidanka booliska

Next Post
Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo xalay sagootin loo sameeyay

AMISOM oo xoojineysa tababbarada ay u fidineyso ciidanka booliska

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In