Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada koobaad ee qaranka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta Ol-ole loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Marwada koobaad ee qaranka oo Mareykanka ka bilowday dardar-gelinta Ol-ole loogu gurmanayo dadka fatahaaddu ay saameeyeen+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Ololahan ayaa si gaar ah wax loogu tarayaa haweenka iyo dhallaanka ay noloshooda saameynta xoogga leh ay ku yeesheen fatahaaduha, maadaama ay yihiin qeybta ugu ballaaran ee u baahan gurmadka waara.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen.

“Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay. Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.”

Marwo Seynab Macallin oo bogaadisay isku xirnaanta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka ayaa tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan isku-xirka howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Maraykanka uu kaabaayo qorsheyaasha Qaran ee lagu samata-bixinayo dadkeenna dhibaataysan.

Olalaha Marwada Koowaad oo ka bilowday Gobolka Columbus ayaa qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarsiiso Gobollada kale ee Dalka Maraykanka, oo ay ugu horreysiinayso magaalada Seattle Washington, si ay u dardar geliso dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska ururiyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si degdeg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

Previous Post

Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado oo adeegyo cusub lagu soo kordhiyay+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In