Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada koowaad ee Dalka oo xarigga ka jartay Isbitaalka magaalada Baraawe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Marwada koowaad ee Dalka oo xarigga ka jartay Isbitaalka magaalada Baraawe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa.

Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn u qabay adeeg caafimaad oo tayo leh.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026

“Caafimaadku waxa uu ka mid yahay adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sidaas awgeed Isbitaalkan waxa aan ugu talo galnay wax ka qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa adkeysay muhiimadda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaashadaan dhismaha iyo agabka kale ee yaalla xarunta oo ah mid casri ah.

Dhanka kale, Marwada ayaa uga mahadcelisay howl-wadeennada Hay’adda Saynab Moallim Foundation dadaalka xooggan ee ay ku bixiyeen sidii loo hirgalinlahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay maamulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka geystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Baraawe.

Safarka waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cali Siciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macallin, Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada JFS Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 254 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

February 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In