Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada koowaad ee Qaranka oo la kulantay  Wasiirka Caafimaadka Turkiga iyo Madaxa hay’adda TIKA “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Marwada koowaad ee Qaranka oo la kulantay  Wasiirka Caafimaadka Turkiga iyo Madaxa hay’adda TIKA “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saynab Cabdi Macallim oo gaartay dalka Turkiga, ayaa magaalada Ankara kulan kula qaadatay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Dr. Fakhrudiin Koojan iyo madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA.

Marwo Saynab, ayaa ugu horreyn Dowladda Turkiga uga mahadcelisay siday u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadkii ay u sameeyeen dhacdadii u dambaysay ee qarixii lala beegsaday dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Markale, marwadu waxay dowladda iyo shacabweynaha Turkiga uga tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii dhowaan ka dhacay gobolka Elazig ee Bariga Turkiga, waxayna caafimaad degdeg ah u rejaysay dadkii waxyeeladu ka soo gaartay.

Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Turkiga iyo Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Xarumo Caafimaad [MCH] Kuwaasi oo Marwadu ay ka dhisayso guud ahaan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay hore uga wada hadleen Dowladda Turkiga.

Dhinaca kale, Marwada koowaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macallim ayaa kulan gaar ah  la qaadatay  Madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA oo dowladda Turkiga u qaabilsan Horumarinta iyo Mashaariicda laga fuliyo dalka dibaddiisa, waxayna kala hadashay  sidii loo dardargelin lahaa Mashruuca dhismaha Xarumaha Caafimaad ee Marwadu ay doonayso in ay ka  hirgeliso Soomaaliya.

Ugu dambayntii, Marwo Saynab ayaa Dowladda Turkiga uga mahadcelisay guud ahaan mashaariicda kala duwan ee  ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo faahfaahiyay Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Next Post

Madaxweynaha Falastiin oo shaaciyay inuu xiriirka u Jaray Maraykanka

Next Post
Madaxweynaha Falastiin oo shaaciyay inuu xiriirka u Jaray Maraykanka

Madaxweynaha Falastiin oo shaaciyay inuu xiriirka u Jaray Maraykanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In