Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha JFS oo iska diiwaangelisay Dharkeynleey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha JFS oo iska diiwaangelisay Dharkeynleey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, si ay u qaadato kaarka codbixinta doorashada dadweynaha ee la filayo in ay dhawaan ka dhacdo dalka .

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb-qaataan diiwaangelinta kaarka codbixinta, si ay u doortaan qof ay siyaasad ahaan ku qanacsanyihiin. Waxay xustay in ka qeyb-galka doorashooyinka uu yahay waajib muwaadinimo oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada iyo matalaadda shacabka.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

“Qaadashada kaarka codbixinta ma aha oo keliya hab doorasho, waa fursad uu muwaadin kasta ku muujin karo codkiisa, kalsoonidiisa iyo doorkiisa dhismaha mustaqbalka dalka,” ayay tiri Marwadu.

Marwada Madaxweynaha ayaa ka mid noqotay boqollaal qof oo safaf dhaadheer u galay qaadashada kaarka codbixinta, iyadoo sidoo kale bogaadisay dadaalka hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo saldhig u noqon doonta dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota guud ahaan dalka, gaar ahaan maamul-goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir, iyadoo dadweynuhu ay muujinayaan firfircooni iyo ka go’naansho .

Ugu dambeyn, Marwada Madaxweynaha ayaa ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha dowlad ku saleysan rabitaankooda.

 

Previous Post

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In