Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka ee (Xamaas) Ismaaciil Haniya ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay xilligan dhex-dhexaadin ka waddo Xamaas iyo Israa’iil si ay u gaaraan heshiis cusub oo ku saabsan is dhaafsi maxaabiis.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii koox suxufiyiin ah ay Haniya wareeysi kooban kula yeesheen magaalada Beyruut jimcihii shalay, waxuuna arrinkan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay Wakaalladda Wararka ee Anatolia.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Haniya ayaa sheegay in Xamaas ay soo dhaweyneyso dadaallada Masar ay ku dooneyso in la gaaro heshiis cusub oo ku qotoma is-weydaarsi Maxaabiis, waxayna muujiyeen in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhankooda.

“Walaalaha Masar waxay daba gali donaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis laga gaaro go’doominta saran marinka Rafax, iyo isdhaafsiga maxaabiista u kala xeran Xamaas iyo Israa’iil” ayuu yiri Haniya.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ma uusan caddeyn in wax horumar ah oo horay looga gaaray arrimaha isdhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Xamaas iyo Israa’iil.

Dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa xirtay Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Yahuuda markii Ciidamada Israa’iil ay qabsadeen marinka Qaza sanadkii 2014-kii.

Sida wararka ay sheegayaan Jimcihii shalay wafdi ka socday sirdoonka Masar ayaa ka amba baxay Qaza iyaga oo ku sii jeeday Talaabiib, socdaalkan ayaana qeeyb ka ahaa sida la sheegay waan-waanta Masar ay hor kaceeysa ee  ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista Xamaas iyo Israa’iil ay kala haystaan.

Tarjume: Cismaan Caqiil

Previous Post

Wada-hadallada nabadda Afgaanistaan ​​oo goordhow ka furmay Dooxa.

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay hirgelinta mashruuca Soolar-ka+SAWIRRO

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In