Mashaariicda haatan ka socota ayaa waxaa ka mid ah Isbitaal, xarumo Wax barasho.
Dadka ku dhaqan Degmada iyo degaannada ku dhaw Warshiikh ,ayaa loo sameynayaa Dhismahaย wadadaย isku xirta Degaanadaasi iyo dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Warshiikh,mahaariicdaas ayaa waxaa hirgalinayaย ย hayโadda Criticalย Hopeย Foundation oo fadhigoodu yahay Waddanka Koonfur Afrika.
Dhawaan Wafdigaย ka socda Wadanka Koofur Africaย oo wada mashaariic kala duwan eeย lagu hormarinayo Gobolka Shabeelaha dhexe , gaar ahaan Degmada Warshiikh, ย ย iyo maamulka Gobolka shabeelahaย dhexe kan degmada warshiiq wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleed hir shabeele ayaa waxay ย kormeer ku tageen, deegaano uu ka mid yahayย degaanka Qeyla weyne oo ka tirsan Degmada Warshiikh, kaasiย oo horay looga hir galiyayย iskuul hoose dhexeย iyo M C H ooย ay ka dhistay heyโadda givt ofย givers ee laga leeyahay wadanka koofur africaย ย waxaana munaasabadย lagu soo dhaweynayay mashaariicdaasiย lagu hormarinayo degmada warshiikh gaar ahaanย gobolka shabeelaha dhexe lagu qabtay xarunta degmada warshiikh.
Gudoomiyaha Degmada Warshiikhย Axmed Xuseen Axmed [Axmed shiidka ] oo munaasada ka hadlay ย ayaa uguย mahadceliyayย masuuliyiinta ka socdayย wadanka koofur afrika ee deegaankaย hir galinayoย howlaha hormarineed ,
โReer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar, waa in loo diraa carruurta iskuulada oo la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ahโ ayuu yuru gudoomiyaha degmada warsheekh.
Mrs Nxumalo louisa oo ka socotayย Hayโadda critical hope foundationย ee wadanka koofur afrikaย ayaa sheegtay in ay ka hirgalinayaaย mashaariic lagu hormarinayo Degmada Warshiiqย iyo Guud ahaan Gobolka shabeelaha dhexe.
โwaxaan soo arkay barwaaqo aad u ballaar oo kajirta Wadankaan soomaaliya, taasoo aan laga helin wadanka koonfurka afrika, laakiin idinku ma dareemeysaann, warsheekhna waa meel aad u qurxoon, waxaana isku afgaranay aniga iyo maamulka inaan iska kaashano dhanka horumarka ee degmada iyo guud ahaan gobolka.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in loo baahanyahay shacabka ku nool gobolka shabeelaha dhexe ay ka qeyb qaataan howlahaย horumarineed ee ka soconayaย gobolkaย .
โwaxaan ugu baaqayaa bulshada kudhaqan gobolka shabeelaha dhexe inay ka shaqeeyaan horumarka gobolka gobolkooda oo ay horumariyaan adeegyada aasaasiga ee gobolkooda.
Wasiirka Wasaaraddaย Kaluumeysiga iyo kheyraadkaย Baddaย ee Dowlad Goboleedkaย Hirshabeeleย C/llaahi Macalinย Mustafย ayaaย ka hadlay muhiimada howlaha mashaariicda ee lagu hormarinayoย degmada warshiiqย iyo guud ahaan gobolka
โ Reer warshiikhow waxaad ku dadaashaan waxbarashada iyo horumarka Degmada, haddaad waxbarataan waxaa la gaarayaa horumar, waa in loo diraa Carruurta Iskuulaadka, waana in la isku wadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan Diiniga ah. โ ayuuย yiri wasiirka.
Meelo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexeย ee Maamulkaย Hirshabeele waxaaย ka soconayaย Horumar aad u Ballaaran, kuwaasoo kaalin weyn ka qaadanaya soo nooleynta dhaq-dhaqaaqyada ganacsi, caafimaad iyo wax barsho ee degaannadaas, waxana si weyn usoo dhaweeyeen Dadka halkaasi ku dhaqan.