Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashaariic Horumarineed oo laga bilaabey Warshiikh +Sawiro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Mashaariic Horumarineed oo laga bilaabey Warshiikh +Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Magaalada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa ka soconaya Mashaariic lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, wax barshada, caafimaadka iyo bilicda degaanka.

Mashaariicda haatan ka socota ayaa waxaa ka mid ah Isbitaal, xarumo Wax barasho.

Dadka ku dhaqan Degmada iyo degaannada ku dhaw Warshiikh ,ayaa loo sameynayaa Dhismaha  wadada  isku xirta Degaanadaasi iyo dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Warshiikh,mahaariicdaas ayaa waxaa hirgalinaya   hay’adda Critical  Hope  Foundation oo fadhigoodu yahay Waddanka Koonfur Afrika.

Dhawaan Wafdiga  ka socda Wadanka Koofur Africa  oo wada mashaariic kala duwan ee  lagu hormarinayo Gobolka Shabeelaha dhexe , gaar ahaan Degmada Warshiikh,   iyo maamulka Gobolka shabeelaha  dhexe kan degmada warshiiq wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleed hir shabeele ayaa waxay  kormeer ku tageen, deegaano uu ka mid yahay  degaanka Qeyla weyne oo ka tirsan Degmada Warshiikh, kaasi  oo horay looga hir galiyay  iskuul hoose dhexe  iyo M C H oo  ay ka dhistay hey’adda givt of  givers ee laga leeyahay wadanka koofur africa   waxaana munaasabad  lagu soo dhaweynayay mashaariicdaasi  lagu hormarinayo degmada warshiikh gaar ahaan  gobolka shabeelaha dhexe lagu qabtay xarunta degmada warshiikh.

Gudoomiyaha Degmada Warshiikh  Axmed Xuseen Axmed [Axmed shiidka ] oo munaasada ka hadlay  ayaa ugu  mahadceliyay  masuuliyiinta ka socday  wadanka koofur afrika ee deegaanka  hir galinayo  howlaha hormarineed ,

‘Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar, waa in loo diraa carruurta iskuulada oo la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah’ ayuu yuru gudoomiyaha degmada warsheekh.

Mrs Nxumalo louisa oo ka socotay  Hay’adda critical hope foundation  ee wadanka koofur afrika  ayaa sheegtay in ay ka hirgalinayaa  mashaariic lagu hormarinayo Degmada Warshiiq  iyo Guud ahaan Gobolka shabeelaha dhexe.

‘waxaan soo arkay barwaaqo aad u ballaar oo kajirta Wadankaan soomaaliya, taasoo aan laga helin wadanka koonfurka afrika, laakiin idinku ma dareemeysaann, warsheekhna waa meel aad u qurxoon, waxaana isku afgaranay aniga iyo maamulka inaan iska kaashano dhanka horumarka ee degmada iyo guud ahaan gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in loo baahanyahay shacabka ku nool gobolka shabeelaha dhexe ay ka qeyb qaataan howlaha  horumarineed ee ka soconaya  gobolka  .

‘waxaan ugu baaqayaa bulshada kudhaqan gobolka shabeelaha dhexe inay ka shaqeeyaan horumarka gobolka gobolkooda oo ay horumariyaan adeegyada aasaasiga ee gobolkooda.

Wasiirka Wasaaradda  Kaluumeysiga iyo kheyraadka  Badda  ee Dowlad Goboleedka  Hirshabeele  C/llaahi Macalin  Mustaf  ayaa  ka hadlay muhiimada howlaha mashaariicda ee lagu hormarinayo  degmada warshiiq  iyo guud ahaan gobolka

’ Reer warshiikhow waxaad ku dadaashaan waxbarashada iyo horumarka Degmada, haddaad waxbarataan waxaa la gaarayaa horumar, waa in loo diraa Carruurta Iskuulaadka, waana in la isku wadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan Diiniga ah. ‘ ayuu  yiri wasiirka.

Meelo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe ee Maamulka  Hirshabeele waxaa  ka soconaya  Horumar aad u Ballaaran, kuwaasoo kaalin weyn ka qaadanaya soo nooleynta dhaq-dhaqaaqyada ganacsi, caafimaad iyo wax barsho ee degaannadaas, waxana si weyn usoo dhaweeyeen Dadka halkaasi ku dhaqan.

Previous Post

Rag dhac isku baheystay oo ay Maxkamadda Ciidamadu xukuntay

Next Post

DEG DEG: R/wasaaraha XFS oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya

Next Post
R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”

DEG DEG: R/wasaaraha XFS oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In