Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashaariic horumarineed oo laga daah-furay Degmada Cadalle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Mashaariic horumarineed oo laga daah-furay Degmada Cadalle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta waxa uu daah-furay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Cadalle iyadoo kuwa kale cusub laga dhagax dhiggay.

Waxaa xarigga laga jaray Suuqa Kalluunka oo leh qaboojiyeyaal casri ah, kaas oo wax badan u tari doono ganacsatada kalluunka ee degmada Cadalle.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa si rasmi ah Xarigga uga jaray xarunta Wasaarradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Hirshabeelle oo iyadana laga dhisay Degmada Cadalle.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhagax dhiggay xarunta degmada oo muhiim u ah adeegyada maamulka uu u hayo bulshada.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaarrada waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada,, Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Cadalle, Saraakiisha Amniga iyo marti sharaf kale.

“Waxaa naga go’an dardargelinta mashaariicda horumarineed galabta waxaan xariga ka jaray xarunta Wasaarrada Kalluumeysiga, Suuqa Kalluunka. Waxaan dhagax dhiggay xaruntii loogu adeegi lahaa shacabka degmada Cadalle.”

Degmada Cadalle ayaa ka mid ah degmooyinka Hirshabelle ee horumarka sameynayo.











default
default



 

Previous Post

Danjire Jabriil oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Belgium ee Kenya

Next Post

Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

Next Post
Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In