Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashaariic horumarineed oo lagu dhagax dhigay degmada Cadalle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashaariicdaan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Arimaha gudaha  Soomaaliya, ,hey’adda IOM iyo Wasaaradda howlaha guud iyo guriyeenta maamulka Hirshabeele ayaa waxaa dhagax dhigay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda howlaha guud ahna ku simaha Wasiirka Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, waxaana laga fulinayaa degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mashruuca kowaad ayaa waxaa lagu dhisayaa  guriga Hooyooyinka degmada Cadalle oo markii ugu horeysay halkaas laga sameynayo si howlaha ay u baahan yihiin haweenka degmada loogu qabto, ayada oo sido kale ay u kaashan doonaan xaruntaasi in lagu qabto tababaro kor loogu qaadayo aqoonta haweenka iyo farsamooyinka gacanta sida uu Radio Muqdisho u sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Iidow oo ah Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guriyeenta maamulka Hirshabeelle.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“Mashruucaan waxaa lagu sameynayaa guriga hooyooyinka iyo dhallaanka waxaa uu waxbadan ka badalayaa nolosha haweenka sida in ay ku qabsadaan shirarka u gaarka ah,tababaro ku qaataan ay kor ugu qaadayaan aqoontooda maadaama ay haweenka lafdhabar u yihiin bulshada”ayuu yiri Iidow.

Mashruuca labaad ayaa waxaa  dib u dayac tir lagu sameynayaa iskuulka Hoose Dhexe ee Sheekh Axmed, kaa oo wax lagu bari doono carruurta ku nool degmada Cadalle, waxaana iskuulkaan uu ka mid ahaa goobahii ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay

“Iskuulkaan burbur xoogan ayaa soo gaaray mudadii uu dalka ku jiray dagaalada sokeeye waxaa wax ku baran doona carruurta degmada Cadale, waxaa ay heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah “ayuu Kusimaha Wasiirka Howlaha ee Hirshabeelle ku soo xiray hadalkiisa.

Mashaariicdaan ay Wasaaradda Howlaha guud iyo Guriyeenta maamulka Hir-shabeelle ka sameynayaan degmada Caddelle iyo dagmooyinka kale ee gobolka Shabeellaha dhexe  ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin howlaha horumarinta iyo adeegyada bulshada ee maamulka uu sameynayo..

W/D;Cabdullaahi Qorshe

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda Norway

Next Post

Gudoomiyaha Sh/hoose oo sheegay in amaanka Marko isbedel aad u weyn ku yimid kadib Ciidanka 14-ka Octoobar

Next Post
Gudoomiyaha Sh/hoose oo sheegay in amaanka Marko isbedel aad u weyn ku yimid kadib Ciidanka 14-ka Octoobar

Gudoomiyaha Sh/hoose oo sheegay in amaanka Marko isbedel aad u weyn ku yimid kadib Ciidanka 14-ka Octoobar

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In