Munaasabad uu soo qaban qaabiyey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay waxyaabihii laga qabtay goobaha Adeegyada Bulshada ayaa lagu qabtay maanta magaaalada Baydhabo.
Munaasabada waxaa kasoo qaybgalay Wasiiro, Xildhibaanno,odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, haweenka, culimaa’udiinka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolada Baay iyo kan degmada Baydhabo, ayadoo halkaana looga mahadceliyey Dowlada koonfurgalbeed waxqabadkooda iyo hay’adihii ka taagyeeray
Mashaariic kala duwan ayaa laga fuliyey degmooyinka Baydhabo, Waajid, Burhakaba iyo Wanlaweyn oo hoos yimaada Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed, kuwaas oo isugu jira xarumaha maamulada, xarumaha wacyigelnta bulshada, nalalka cadceeda ku shaqeeya, suuqyo iyo dhismaha waddooyinka.
Marka loo eego waxqabadka Dowlada Koonfurgalbeed waa mid xawli ku socda oo shacabku aad usoo jiitay.
Malaaq Cali Barre ayaa wuxuu aad ugu dheeraaday waxqabadka Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, asagoo dadka ka codsday in ay la shaqeeyaan dowlada.