Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuca dariseynta oo laga hirgeliyay degmada Xamar Jajab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socotay Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Xamar Jajab ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu daah furayay mashruuca dariseynta kaas oo lagu qabtay xarunta Degmadaasi.

Munaasabadan lagu daah furayay mashruuca deriseynta oo maanta laga hir geliyay degmada Xamar Jajab ee gobolka banaadir waxaa kaloo ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana fanaaniinta Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska ay goobta ku soo bandhigeen sugaan ka turjumaysa muhiimadda deriseynta uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Degmada Xamar Jajab Axmed Cabdullaahi Samow ayaa sheegay in mashruucaan dersieynta ay muhiimad gaar ah u leedahay Shacabka Degmada.

“Mashruucaan dersieynta waxa uu waxyaabo badan ka tari doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin isdhex galka bulshada iyo in la ogaado dadka kuwa wanaagsan iyo kuwa xun xun, in ammaanka uu ka qeyb qaato iyo in bulshada degmada qofka ku soo kordha la ogaado”.

Mr Steven oo ka socday Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in hadii ay bulshada isku xirnaanto ay horumar badan gaari karaan, isagoo xusay in safaaradda ingiriiska ee Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto horumarka degmooyinka gobolka banaadir.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo oo aan dhex joogo shacab intaan la eg oo horumarkooda ka hadlaya, waxaan sidoo kae aan soo dhoweyneynaa in howlaha maamulada degmooyinka iyo kan gobolka banaadirba ay wadaan’’ ayuu yiri Steven.

Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar Jajab Iftin Cumar Adeer ayaa sheegtay in bulshada degmada looga baahanyahay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ciidanka gacan ku siiyaan sugidda amniga, ayna ku soo wargeliyaan cidkasta oo caqabad ku ah Nabadgelyadooda.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore ayaa sheegay in mashruucaan deriseynta uu ka socdo guud ahaan degmooyinka gobolka banaadir, loona baahanyahay shacabka degmada inay u midoobaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen xoojinta nabadda.

“Deriseynta micnaheeda waxa uu yahay wadanimo, waa in qofka uu muwaadin noqdo, waa intaas hadii aad dersikaaga iyo adiga aad iska war qabtaan, waxaa meeshaas ka dhalanayso ammaanka iyo guud ahaan degmada laga war qabo taasina horumarkiina ayaa ku jir” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada.

 

 

Previous Post

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In