Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug oo kaashaneeysa tan Dowladda Fadaraalka ayaa keyd biyood Caalami ah ka hirgalisay Deegaanka Balanbal oo hooataga Dagmada Hobyo
Keyd biyoodkan oo ah mid casriya lagana hirgaliyay deegaanka Balanbal oo hoostaga dagmada Hobyo, isla markaana hirgalintiisa ay iska kaashadeen Wasaaradaha Tamarta iyo kheyraadka biyaha Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayna maal galisay Dowladda Norwey ayaa waxaa xariga ka jaray Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka degmada Hobyo iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug
Agaasimaha Waaxda horumarinta mashaariicda iyo bixinta qandaraasyada maamulka dagmada Hobyo Maxamed Cali Guure oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada xarig jarka ayaa kula dardaarmay bulshada deegaankaasi ineey ilaashadaan keyd biyoodka loo sameeyay
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed ayaa isna ka hadlay dadaalka ka wasaarad ahaan ay ku bixiyeen hirgalinta keyd biyoodkaan
Qaar ka mida maamulka iyo waxgaradka deegaanka ayaa dhankooda ka mahadceliyay hirgalinta keyd biyoodka biyo qabadka, iyagoo sheegay in ay baahi weyn u qabeen dadka deegaanka