Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuca JPLG Oo Wajigiisa Afaraad Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Mashruuca JPLG Oo Wajigiisa Afaraad Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta daahfuray kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG.

Kulanka uu ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda Fedaraalka ah Mudane Ilyaas Xasan, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, wakiillada deeqbixiyeyaasha iyo howlwadeenno kale.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Inta uu kulanka socday waxaa erayo kala duwan ka jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Fedaraalka ah mudane Caydaruus Cabdulle, qaar ka tirsan wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, xogheyaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Paul Simkin iyo Jocelyn Mason kala matalaye JPLG iyo UNDP.

Wasiirrada arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo khudbado ka jeediyey kulanka wejiga 4-aad ee mashaariicda JPLG ayaa sheegay qorshahooda la xiriira baahinta iyo dhismaha goleyaasha deegaanka, iyaga oo rajo fiican ka muujiyey wejiga 4-aaad ee mashruuca iyo inuu wax badan ka badala hannaanka dowladnimo.

Ergada deeqbixiyeyaasha ee kulanka ka hadlay caqabado badan oo soo wajahay wejiga 3-aad ee JPLG, rajeeyana wejiga cusub in laga gudbo arrimahaasi, waxaa kale oo ay ka hadleen in beesha caalamka ay arrimaha hortabinta u leh, lacago ku bixinayaan oo ajendaha koowaad u ah ay ku jiraan dhismaha goleyaasha deegaanka.

Wejigan cusub, ayaa xoogga saari doona in waqtiyo cayiman la qabto dhammaan shaqada, la xoojiyo arrimaha dowlad wanaagga, tababarrada, wacyigelinta bulshada, dhismaha goleyaasha, sharciyada, horumarinta adeegyada iyo ka qeybgalka qeybaha bulshada.

Qaar ka tirsan ergada kulanka joogay ayaa sharaxay sida ay u arkaan in wejiga 4-aad ee JPLG ku noqon karo mid miradhalo, iyada oo la tixgelinayo baahida iyo ajendeyaasha hortabinta u leh maamul goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG ayaa sheegay arrimo badan oo ay tahay in laga helo wejiga 4-aad ee JPLG.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaa uga mahadceliyey dowladda Fedaraalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka shaqada lasoo qabtay, isaga oo intaa raaciyey in mashruucan uga duwan yahay kuwa kale inuu yahay Mashruuc ka wada shaqeeya dhammaan Soomaaliya haba ku xoogganaadee Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa uu ka hadlay oo kale meelaha uu ku fiicnaa iyo caqabadaha heystay isagoo sheegay in lagu ammaani karo arrimaha kobcinta iyo awood dowladaha hoose, maamul daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaa uu soojeediyey in caqabadahana ay isla xaliyaan dowladda iyo deeqbixiyeyaasha.

Wasiirka waxaa uu rajo fiican ka muujiyey in Dowlad Goboleedyada kale iyo Gobolka Banaadir ne uu Mashruucani uu xoogga saaro in looga faa’iideeyo, iyadoo caqabaduhu ka yaraanayaan kuwii hore maadaama la hayo casharradii Mashruucan laga soo bartay Maamullada Puntland iyo Somaliland .

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa soo qaatay qodobbada ay ka doonayaan ka dowlad ahaan in wejiga cusub ee 4-aad laga helo:

(1) Inaan qaabaynta (Programme design-ka) wax badan ku kordhino, waxaa soo aan u aragno in dan Dalka iyo dadkaba ugu jirta.

(2) Wejigaan 4-aad ee Mashruuca JPLG sida kulankii Dowladda ee 12/11/2022 kasoo baxday waxaan rabnaa in Dowladda ay maalgelintiisa qayb ka noqoto oo Dowladda dhaqaale horumarineed degmooyinka u qoondayso, keliya aan lagu tiirsanaan hay’adaha iyo donors-ka.

(3) Inaan cashar ka baranno caqabadihii wejiga 3-aad gaar ahaan dib-u-dhacyada ku yimaada fulinta shaqooyinka sannadlaha ah.

(4) Maadaama Degmooyin badan ay dhismeen gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed Kuwa badanna ay hadda dhismaayaan oo qorshaysan yihiin waxaan rabnaa in wejiga 4-aad aan ka ballaarino qoondada Dowlad Goboleedyada Qoondooyinkii hore ee wejiga 3-aad ku jirtay si loo badiyo degmooyinka ka faa’iidaaya Mashruucaan.

(5) Waxaan rabnaa in wejiga 4-aad Mashruuca lagu soo kordhiyo arrima muhiim aan u aragno sida;

A. Arrimaha Demuqraadiyaynta Degmooyinka (in loo diyaariyo in degmooyinku gaaraan in shicibku iyagu doortaan cidda dooranaysa).

B. Isbedelka cimilada (climate change), waxaan rabnaa ka jawaabidda isbedelka cimilada dowladaha hoose door muuqda ku yeeshaan.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay fududeyneyso wax kasta oo dhanka heer federaal ku xiran, isaga oo rajeeyey in wejiga 4-aad uu noqon doono mid wax badan ka bedela hab-Nololeedka dadka Soomaaliyeed iyo hannaanka Dowladnimo, oo degmooyinka qaarkood lagu soo doorto doorasho qof iyo cod.





















Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal Qorsheeysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Next Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Macalin Cabdullaahi Sanweyne

Next Post
Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Macalin Cabdullaahi Sanweyne

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Macalin Cabdullaahi Sanweyne

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In