Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuca JPLG Oo Wajigiisa Afaraad Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Mashruuca JPLG Oo Wajigiisa Afaraad Ka Furmay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta daahfuray kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG.

Kulanka uu ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda Fedaraalka ah Mudane Ilyaas Xasan, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, wakiillada deeqbixiyeyaasha iyo howlwadeenno kale.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Inta uu kulanka socday waxaa erayo kala duwan ka jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Fedaraalka ah mudane Caydaruus Cabdulle, qaar ka tirsan wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, xogheyaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Paul Simkin iyo Jocelyn Mason kala matalaye JPLG iyo UNDP.

Wasiirrada arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo khudbado ka jeediyey kulanka wejiga 4-aad ee mashaariicda JPLG ayaa sheegay qorshahooda la xiriira baahinta iyo dhismaha goleyaasha deegaanka, iyaga oo rajo fiican ka muujiyey wejiga 4-aaad ee mashruuca iyo inuu wax badan ka badala hannaanka dowladnimo.

Ergada deeqbixiyeyaasha ee kulanka ka hadlay caqabado badan oo soo wajahay wejiga 3-aad ee JPLG, rajeeyana wejiga cusub in laga gudbo arrimahaasi, waxaa kale oo ay ka hadleen in beesha caalamka ay arrimaha hortabinta u leh, lacago ku bixinayaan oo ajendaha koowaad u ah ay ku jiraan dhismaha goleyaasha deegaanka.

Wejigan cusub, ayaa xoogga saari doona in waqtiyo cayiman la qabto dhammaan shaqada, la xoojiyo arrimaha dowlad wanaagga, tababarrada, wacyigelinta bulshada, dhismaha goleyaasha, sharciyada, horumarinta adeegyada iyo ka qeybgalka qeybaha bulshada.

Qaar ka tirsan ergada kulanka joogay ayaa sharaxay sida ay u arkaan in wejiga 4-aad ee JPLG ku noqon karo mid miradhalo, iyada oo la tixgelinayo baahida iyo ajendeyaasha hortabinta u leh maamul goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka wejiga 4-aad ee mashruuca JPLG ayaa sheegay arrimo badan oo ay tahay in laga helo wejiga 4-aad ee JPLG.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaa uga mahadceliyey dowladda Fedaraalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka shaqada lasoo qabtay, isaga oo intaa raaciyey in mashruucan uga duwan yahay kuwa kale inuu yahay Mashruuc ka wada shaqeeya dhammaan Soomaaliya haba ku xoogganaadee Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa uu ka hadlay oo kale meelaha uu ku fiicnaa iyo caqabadaha heystay isagoo sheegay in lagu ammaani karo arrimaha kobcinta iyo awood dowladaha hoose, maamul daadejinta iyo adeeg bixinta, waxaa uu soojeediyey in caqabadahana ay isla xaliyaan dowladda iyo deeqbixiyeyaasha.

Wasiirka waxaa uu rajo fiican ka muujiyey in Dowlad Goboleedyada kale iyo Gobolka Banaadir ne uu Mashruucani uu xoogga saaro in looga faa’iideeyo, iyadoo caqabaduhu ka yaraanayaan kuwii hore maadaama la hayo casharradii Mashruucan laga soo bartay Maamullada Puntland iyo Somaliland .

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa soo qaatay qodobbada ay ka doonayaan ka dowlad ahaan in wejiga cusub ee 4-aad laga helo:

(1) Inaan qaabaynta (Programme design-ka) wax badan ku kordhino, waxaa soo aan u aragno in dan Dalka iyo dadkaba ugu jirta.

(2) Wejigaan 4-aad ee Mashruuca JPLG sida kulankii Dowladda ee 12/11/2022 kasoo baxday waxaan rabnaa in Dowladda ay maalgelintiisa qayb ka noqoto oo Dowladda dhaqaale horumarineed degmooyinka u qoondayso, keliya aan lagu tiirsanaan hay’adaha iyo donors-ka.

(3) Inaan cashar ka baranno caqabadihii wejiga 3-aad gaar ahaan dib-u-dhacyada ku yimaada fulinta shaqooyinka sannadlaha ah.

(4) Maadaama Degmooyin badan ay dhismeen gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed Kuwa badanna ay hadda dhismaayaan oo qorshaysan yihiin waxaan rabnaa in wejiga 4-aad aan ka ballaarino qoondada Dowlad Goboleedyada Qoondooyinkii hore ee wejiga 3-aad ku jirtay si loo badiyo degmooyinka ka faa’iidaaya Mashruucaan.

(5) Waxaan rabnaa in wejiga 4-aad Mashruuca lagu soo kordhiyo arrima muhiim aan u aragno sida;

A. Arrimaha Demuqraadiyaynta Degmooyinka (in loo diyaariyo in degmooyinku gaaraan in shicibku iyagu doortaan cidda dooranaysa).

B. Isbedelka cimilada (climate change), waxaan rabnaa ka jawaabidda isbedelka cimilada dowladaha hoose door muuqda ku yeeshaan.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay fududeyneyso wax kasta oo dhanka heer federaal ku xiran, isaga oo rajeeyey in wejiga 4-aad uu noqon doono mid wax badan ka bedela hab-Nololeedka dadka Soomaaliyeed iyo hannaanka Dowladnimo, oo degmooyinka qaarkood lagu soo doorto doorasho qof iyo cod.





















Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal Qorsheeysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Next Post

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Macalin Cabdullaahi Sanweyne

Next Post
Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Macalin Cabdullaahi Sanweyne

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Macalin Cabdullaahi Sanweyne

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In