Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Zoobe oo cudurka Kansarka la ildaran iyo loolan ka dhextaagan Alshabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026

Waxaa sii kordhaya khilaafka xoogan ee ka dhextaagan horjoogayaasha sare ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Alshabaab oo dhuunqabad ku ah umadda Soomaaliyeed iyo Geeska Afrika,kadib markii Hor-oogihii ugu sareeyey xaladiisa caafimaad laga deyriyay.

Xog ay heshey Wakaaladda SONNA ayaa sheegaysa in Horjooge Axmed Abuu Cubeyda oo ah Maskaxdii ka dambeysay Qarixii Dadka badan ay ku dhinteen ee Zoobe ahna Horjoogaha  Argagixisada Al-shabaab uu muddo ku dhow hal sano la xanuunsanaya cudurka Kensarka(Cencer) kaasi oo kaga dhacay caloosha.

Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in xaaladiisu ay tahay mid aad u liidata islamarkaana anay muuqan rajo ku aadan in uu ka soo kabsado dhagar qabe Abuucubeyda,oo mas’uul ka ahaa dhagaro badan oo loo soo maleegayay umadda Soomaaliyeed tan iyo 2014kii markii duqeyn dhanka Cirka ah lagu dilay horjoogihii hore ee koxdaasi Axmed Godane.

Sidoo kale ilo wareedo aan helnay ayaa tilmaamaya in Maleeshiyada Shabaab ay kala qeybsanaan baahsan soo kala dhexgashey,kadib markii horjoogayaal kala dwuan uu midba hami ka galy in uu hormuud u noqdo falalka lagu gumaadayo umadda Soomaaliyeed oo ku daalay dhibaatooyin sanado jirsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ay fooda is dareen oo ay kala fogaadeen horjoogayaal ay kamidka yihiin Xasan Fiidow,Ali Maxamuud Raage Cali Dheere,Mahad Karataay iyo kuwo kale,khilaafkaasi ayaa u muuqda mid aan xalkiisi lahaynin,taasi oo muujinaysa in awoodii Alshabaab uu gabalkeedi sii dhacayo.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo horey ugu waramay SONNA ayaa xaqiijiyay in ay jiraan xogo ku saabsan khilaafkaasi ka dhextaagan horjoogayaasha Alshabaab,kaasi oo ah mid in muddo ah soo jiitamayay.

Dhabar-jabka kale ee ugu weyn ayaa ah Gulufka military oo had iyo jeer ay kala kulmaan ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,kuwaasi oo maleeshiyada Shabaab ka qabsaday dhul badan,hub,kuwo kalena ay danta ku kaliftay in ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Garab kamid ah garabyada ay maleeshiyaadkaasi Alshabaab u kala jabeen ayaa wararku waxay sheegayaan in ay doorteen Xasan Fiidow in uu noqdoo qofka bedelaya horjoogaha xaaladiisu ay liidato ee Abuucubeyda,taasi oo muujinaysa heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka koxdaasi.

Dhanka kale warbaahinta Dalka Kenya ayaa siweyn u hadal haysa loolanka ka dhextaagan maleeshiyada alshabaab iyo dhaq dhaqaaqyadooda,iyadoo Jariiradda The Star ee ka soo baxday dalkaasi Kenya lagu daabacay warbixin laga qoray khliaafka Shabaab iyo Xanuunka Abuucubeyda.

Warar dheeraad ah ayaa  sheegaya in horjooge Mahad Karatay oo kooxda u qaabilsan dhanka sirdoonka uu wado qorshe ku aadan  in uu isku soo uruuriyo maleeshiyadaasi Shabaab,si uu afgembi ugu sameeyo qofkasta oo xilkaasi loo dhiibo.

Previous Post

Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo maanta Daaweyn Caafimaad loogu qaaday Turkiga

Next Post

Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Warbaahinta 2026

September 7, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Madasha...

Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

September 7, 2026
0

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In