Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qatar ayaa u kuur galay xaaladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo Daryeel Caafimaad ay u fidisay Dawladda Qatar, isla markaana Lagula tacaalayo xaaladooda isbitaalka weyn ee magaalada Doha.
Mukhtaar Cali Yuusuf Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Doha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ugu horayn booqday isbitaalka ay ku jiraan qaar ka mid ah dhaawaca dadka Soomaaliyeed oo ay dedaal xoogan ku bixisay sidii ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad, Isla markaana ay garab istaagtay Dowlada aynu walaalaha nahay ee Qatar.
Qunsulka ayaa wuxuu sheegay in Dawlada Soomaaliya iyo Safaaraddu ay diyaar u yihiin baahiyaha ay tabanayaan muwaadiinta Soomaaliyeed ee lagu dabiibayo magaalada Doha, ayna garab taaganyihiin.
Sidoo kale wuxuu kulan waqti badan qaatay la yeeshay muwaadiniin kale oo hadda ay si wayn u soo ka banayso xaaladoodu, isla markaana Dawlada Qatar ay dejisay meel gaar ah, halkaasi oo ay ku sugaan waqtiga ay dhakhaatiirtu la balameen.
Qaar ka mid ah dadkii la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iminka ay xaaladooda caafimaad soo hogaageyso, iyagoo ka mahadceliyay gurmadka caafimaad ee loo fidiyay.
Maxamed Mukhtaar Sheekh Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Galgaduud oo dhaawac kasoo gaaray weerarkii arxan darada ahaa ee lagu qaaday Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Maxamed Dhego-wayne oo kamida dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Hotel Central ayaa sheegay in loo qabtay wax badan, waxayna si wada jir ah ugu mahad celiyeen Dawlada QaTar, SafaaradDa Soomaaliya iyo WasaaradDa Caafimaadka ee Dawladda Soomaaliya.
Ahmed Darwiish – Warbaahinta Qaranka – Doha – Qatar