Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga keenay dalka Liibiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga keenay dalka Liibiya

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad siday 124 qof oo Dawladda Soomaaliya ay kasoo deysay Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana  Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay kala kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi.

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xiranaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dawladda Soomaaliya ay Dalkooda dib ugu soo celiso ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyaggoo soo dhaweeyey dadaalka Dawladda ay u gashay in laga soo saaro Xabsiyadaasi, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Cabdiwaasac Jaamac Maxamuud oo ka mid ah maxabiistii horey looga soo daayay gacanta Magafeyaasha Arxanka darran, haatanna  ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa  waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadatay siddii Dhallinyaradda dalka dibadiisa ku dhibaateysan dalkooda loogu soo celin lahaa.

Ergeyga  gaarka ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida Dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhalinyaradaasi.

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ayaa sheegay  in dhallinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan Horumarinta dalkooda.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in boqolaal dhallinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Jaziiradda Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhallinyarada kale ee ku xiran dalka dibadiisa.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In