Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga keenay dalka Liibiya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga keenay dalka Liibiya

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad siday 124 qof oo Dawladda Soomaaliya ay kasoo deysay Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana  Wajiyadooda ka muuqday dhibaatooyin ay kala kulmeen intii ay ku jireen xabsiyadda dalkaasi.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xiranaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dawladda Soomaaliya ay Dalkooda dib ugu soo celiso ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyaggoo soo dhaweeyey dadaalka Dawladda ay u gashay in laga soo saaro Xabsiyadaasi, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Cabdiwaasac Jaamac Maxamuud oo ka mid ah maxabiistii horey looga soo daayay gacanta Magafeyaasha Arxanka darran, haatanna  ka shaqeeya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa  waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadatay siddii Dhallinyaradda dalka dibadiisa ku dhibaateysan dalkooda loogu soo celin lahaa.

Ergeyga  gaarka ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida Dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhalinyaradaasi.

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ayaa sheegay  in dhallinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan Horumarinta dalkooda.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in boqolaal dhallinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Jaziiradda Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhallinyarada kale ee ku xiran dalka dibadiisa.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo oo berrito u safraya dalka Itoobiya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In