Lix Muwaadiniin Soomaali ah oo tan iyo 2014-kii ku xirnaa Dalka Uganda ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii Dowladda Soomaaliya ka shaqeysay sii deyntooda.
Muwaadiniintan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku Guuleysatay in boqolaal dhalinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhalinyaradda kale ee wali ku xiran dalka dibadiisa.